Layaab: Faraanti/Fargashi Lumay 47 sano kahor oo lahelay!!!

Layaab: Faraanti/Fargashi Lumay 47 sano kahor oo lahelay!!!

Waxay aheyd 1973 markii ay Debra si kadis ah uga tagtat Faraantiga xaajigeeda Mustaqbalka baqaar ku yaalo Magaalada Brunswick, Maine ee dalka Mareekanka.

47 sano kadib waxaa Faraantigii ama Fargashigii laga helay keyn ku taalo wadanka Finland.

Ms Debra McKenna ayaa sheegtay in uu faraantiga uga lumay magaalada Portland Xiligaas oo ay aheyd arday dhigta Iskuulka Morse High School sida ay u sheegta Saxaafadda.

Ms Debra McKenna ayaa saxaafadda u sheegtay in faraantiga uu lahaa calaamad gaar ah oo ay ku garanayeen ayada iyo xaajigeeda.

Layaab: Nin Laga Qaaday Sawiro Asigoo Shuminaayo Yaxaas!!

Lamaanahaan ayaa is qabay mudo 40 sano ah kahor inta uusan geeriyoon Shawn oo ah odayga Ms Debra.

Shawn ayaa waxa uu Faraantiga siiyay Xaaskiisa ka hor inta uu san dhameyn Koleejka balse Ms debra ayaa Faraantigii si kadis ah u lumisay.

Warqad 20 Sano ka hor laqoray oo Badda dhaxdeeda laga helay!!!

Iskuulkii ay Mr Debra dhigan jirtay ayaa waxaa soo gaartay fariin ah in lahelay faraanti ay ku qorantahay magaca Iskuulka, waxaana fariinta soodiray Marko Saarinen oo ah qofkii faraantiga ka dhax helay kenyta.

Faraantiga ayaa waxaa ku qornaay magaca Iskuulka iyo xarfo lasoo gaabiye oo ah S iyo M oo loo qaatay in ay yihiin Shawn iyo Mckenna, markii Mckenna laweydiiyana waa ay xaqii jisay in ay ayaga lahaayeen faraantiga.

Iskuulka ayaa waxaa marki hore ku atkaatay in ay helaan qofkii lahaa faraantiga, balse kadib waxay fududaatay markii ay ogaadeen dufcadii qalin jabisay 1973 iyo xarfaha la soo gaagaabiye ee ku qoran faraantiga.

“Waxaa jiro dad badan oo wanagaan ku waas oo ku nool dunidaan, waxaana u baahanahy dadkaas oo badan” ayay Saxaafadda u sheegtay Ms Debra Mckenna ayadoo dadkaas wanaagsan ula jeeday ninkii soo helay Faraantigeeda.

Ms Debra Mckenna mar laweydiiye Faraantigeeda sida uu ku gaaray wadanka Finland ayaa waxa ay sheegat in aysan taa war uheyn layaabna ku noqotay!!

Akhristow bal kawaran Shey kaa lumay mudo fog oo aad dib u heshay lagana helay meel kaafog Qaarad ka Qaarad sida faraantigaan oo kale Maxaa dareemi laheyd??

Fikirkaaga hoos noogu reeb.

 

Layaabka Dunida