7 Faa’iido Oo Laga Helo Cabidda Biyaha Liimo Dhanaanta!

7 Faa’iido Oo Laga Helo Cabidda Biyaha Liimo Dhanaanta!

Waxaa waayadaan danbo soobatay in aad loocabo Liimo Dhanaanta ayada oo loo isticmaalayo cabitaan ahaan, maqaayado badan oo dalka ku yaalo cabitaanka 1aad ee mar walbo lahelo waa Liimo dhanaanta, dadka qaar ayaa subaxdii ku afbilaabo cabidda biyaha Liimo dhanaanta intii ay cabi lahaayeen Shaax ama kafee.

Hadaba waxaa halkaan ku soo gudbineynaa 7 Faaiido oo laga helo cabidda Liimo dhanaanta.

1) Waa isha laga helo Vitamin C

Guud ahaan jirkeena ayaa u baahan in uu helo marwalbo Vitamin C ku filan, waxa uuna difaac u yahay unukyada jirka, sidoo kale Vitamin C jirka uu kubadanyahay waxaa uu u fiicanyahay in cadaadiska dhiiga oo isu dheeli tirnaado, hadii uu Vitamin C jirka uu ku yaraado cuduro ayuu u nugul yahay.

2) Waxa ay Taageertaa In Culeyska Jirka Lagu dhimo

Cilmi Baaris lasameeye ayaa sheegeysa in cabidda biyaha Liimo dhanaanta ay u fiicantahay in lagu dhimo culeyska jirka, waxa ayna daraasadan ledahay Liimo dhanaanta waxa ay lafal galeysaa xeerta jirka saaran oo culeyska soo kordhisay.

3) Jirka oo Sifiican Biyo u qaato

Cabidda Liimo dhanaanta ayaa horseedo in jirka uu sifiican u qaato biyaha, jirka ayaa u baahan in uu marwalbo helo biyo badan, sidookale liinta ayaa kuu ogolaaneysa in aad cabto biyo badan.

4) Waxa ay kor uqaadaa tayada maqaarka jirka

Cabida Biyaha Liimo dhanaanta ayaa muhiim u ah maqarka jirka ayada oo ka ilaaliso in uu jirku yeesho jajab ama uu maqaarku qalalo, waxaa kubadan vitamin C taas ayaa kasaacideysa in maqaarka jirku waxbadan kahelo, cilmi baaris lasameeye 2016 ayaa aad u taageeraysa qodobkaan.

5) Waxa ay caawisaa hanaanka Dheefshiidka

Dad badan ayaa liimo dhanaanta biyo ahaan u cabo subax walbo, hadii aad markaa sookacdo cabtid biyo diiran lehna liimo dhanaan waxa ay kaa caawineysaan in dheefshiidkaagu sio wacan shaqada uqabto.

6) Hawadsa laneefsado ayay nadiifisaa

.Weli gacantaada maku xoqday Liimo dhanaan oo ma aragtay sida ay wax naqanayaan? galaas biyo liimo dhanaan ah oo aad cabto cuntada kadibn ayaa kaa caawin karta in aad neefsato hawo nadiif ah.

7) Waxay u fiicantahay Dhagxaanta kilyaha galo

Sidsa cilmi baarayaal badan sheegen liimo dhanaanta ayaa u fiican dhagxaanta kilyaha galo.

Sidee loosameeyaa Cabitaan Liimo Dhanaan ah?

way fududahay inta badanadadka way garanayaan, kaliya waxaad sameyneysaa waxaad sooqaadaneysaa dhowr xabo oo liimo dhanaan ah waad dhaqeysaa, kadib waad jarjareysaa waxa aadna kushubeesa makiinada qudrada waadna ku shiideysaa. markii aad miirto ayaad kudareysaa biyo diiran iyo dhowr qaando oo sonkor ah.

 

Caafimaad Uncategorized