Xikmadihii Dr. Zakir Abdul Karim Naik (Daaciga diinteena suubban ee Islaamka)

Xikmadihii Dr. Zakir Abdul Karim Naik (Daaciga diinteena suubban ee Islaamka)

Waxaa halkaan ku soo gudbineynaa 12 xikmadood oo kamid ah xikmadaha lagu xasuusto Dr Zakir Naik oo ah Daaci u taagin faafinta Diinteena Islaamka, 12 ka xikmadood ayaa kala ah:

1: “Islaamku waa diinta caddaalada, qur’ aankuna waxa uu ina barayaa in aynnu xaqa la jirno, xitaa haddii aynaan danteena ahayn.”

2: “Hantida ugu fiican ee uu qofku kasbado, ma ahan inaad tahay madax ay aqoon ka buuxdo ama lacag badan oo qasnadda dhexdeeda kuugu jirta, balse waa qalbi uu jaceyl iyo naxariis ka buuxo,dhego u furan dhegaysiga, carrab ka dhowrsan xumaanta, iyo gacmo diyaar u ah in ay walaalahooda kale waxtaraan.”

3: “Islaamku waa diinta loogu qalad fahamka badan yahay adduunka, warbaahinta ayaana sababteeda leh.”

4: “Haddii qaawinta jidhku horumar tahay, xayawaanka ayaa ka horumarsan dadka.”

5: “Wakhti kooban oo aad carruurtaada la qaadato, ayaa ka mudan lacag badan oo aad ku bixiso iyaga.”

6: “Qofna kuma qasbi kartid in uu soo galo Islaamka, balse waxa aad noqon kartaa sababta uu u soo galayo iyo mida uu ku doortay, waana marka aynu sheegayno (ka hadlayno) dhaqanka wanaagsan.”

7: “Quraanku waa la yaabada adduunka midkood, oo marka aan dareen xun dareemo wuu iga ba’aa marka aan shitoba.”

8: “Haddii aad doonayso in aad islaamka wax ka ogaato, islaamka baro oo muslimiinta ha baran.”

9: “Baraha bulshadu waa mid kamida waxyaabaha ugu saamaynta badan; sidaa awgeed, dadka muslimiinta ahi waa in ay ku dhex faafiyaan xaqiiqada islaamka oo ay gaadhsiiyaan dadka aan muslimiinta ahayn.”

10: “Nooca ugu wanaagsan ee cuntadu waa in aad iska dayso hilibka dadka cunistiisa, waa in aad xanta iyo wax ka sheega dadka iska dhaaftaa.”

11: “Ma jiro wax ka qurxoon, xidhiidhka adiga iyo abuurahaaga sujuudda idinku dhex mara.

12: “Islaamku waa xalinta dhammaan dhibaatooyinka bini aadamka, qur’aankuna waa waxyigii u dambeeyay ee Alle xaggiisa ka yimaadda, loomana soo dajin muslimiinta iyo carabta oo kaliya, laakiin waxa loo soo dajiyay dhammaan ummaddaha dunida ku nool.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

Arimaha Bulshada Maqaalo