Qoys ku dalxiisaye mid kamid ah xeebaha Scotland ayaa mar qura helay Caag afka kaxeran oo ay kujirto warqad taas oo dul sabeeneyse biyaha dushooda.
Markii warqadda lafuray ayaa lagu arkay sidaan ” magaceygu waa Matt Rhoades, fadlan iisoo jawaab iiguna soodir ciwaankaan”.
Warqadaan ayaa waxa ay safartay masaafo dhan 2833 meyl ama 4559 kiiloo mitir, waa masaafo aad udheer, waxa ayna safarkaas kujirtay mudo dhan 21 sano.
Markii warqadda lahelay ayaa isla markiiba lagu dhaqaaqay in labaadi goobo cidii qortay, waxaa lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitter ka nasiib wanaag waxaa si fudud lago helay Qaraagii Warqadda.
Matt Rhoades, ayaa aqoonsaday fartiisa iyo ciwaanka gurigiisa oo kunoolaa 20 sano kahor.
Cilmi Baaris: Maxaa Ku Qasbo Gabdhaha Qaar In Ay Is Cadeeyaan?
Haweeney Isheeda Bidix Laga Soosaaray 4 Shini!!
Matt Rhoades, ayaa asigoo ah 13 jir dalxiisna u joogay xeebaha gobalka Maine ee dalka mareekanka sanadku markuu ahaa 1988 ayaa qoray warqadaan, waxa uuna kutuuray xeebta Moody Beach oo uu markaas dalxiis u joogay.
” Waxa ay aheyd xagaagii iigu horeeye aan ku dalxiiso xeebahaas, fikradaas waxaa lahaay Aabaheey, waxaana kireeysanay guri, halkaas ayaana ku qaadanay fasixii xagaaga oo dhan” ayuu yire Matt Rhoades oo lahadlaaye warbaahinta.
Bal kawaran warqad aa qortay 20 sano kahor taas oo aad kutuurtay badda hadii aad dib uhesho, fartaada ma aqoonsan laheyd??