Ninkaan oo udhashay wadanka Costa Rica ayaa marqura la arkay asigoo shuminaayo yaxaas!!!
Ninkaan oo ka mid ahaa Dad dalxiisayaal ah oo saarnaa dooni ayaa lakulmay yaxaaska kadibna wixii uu sameeye ayaa dadka ku noqday lama filaan!!
Ninkaan ayaa yaxaaska Ciyaarsiiye in mudo ah sida kamuuqato sawirada ugu danbeyna halkii ayuu kushumiye!
Juan Cerdas oo ah ninka yaxaaska shumiye ayaa sheegay in ay hobigiisa tahay in uu sidaas sameeyo.
Wabiga yaxaaskaan uu ku noolyahay kaas oo kuyaal gobolka Puntarenas ee wadanka Costa Rica ayaa ah mid kamid ah wabiyada ugu yaxaaska badan caalamka!!
Waxaa ku badan Yaxaaska nooca looyaqaan American Crocodile, waxaana laga helaa nooc kamid ah yaxaaska kunool Gobolka Florida ee dalka mareekanka.
Nooca yaxaaska laga helo webigaan ayaa waxa uu dhirir ahaan gaara ilaa 5 mitir, waxaana lagu sheegaa in uu yahay mid kamid ah yaxaaska ugu dheer aduunka.
Juan ayaa mar wareysi laga qaadaye waxa uu dhahay “yaxaaska kunool wabigaan ma ahan mid dagaal badan”.
Webiga uu ku noolyahay yaxaaskaan ayaa ah webi dalxiisayaal badan sanad walbo soo booqdaan, waxaana kutaalo buundo lagu magacaabo buundadii yaxaaska.