Waa Cilmi basristii ugu balaarneyd ee la sameeyo hurdada inta la ogyahay guud ahaan caalamka, waxaana xogta cilmi baaristaan laga soo aruuriye dad ka badan 40, 000 (afartan kun oo qof ) kuna kala nool daafaha dunida.
Cilmi baaristaan oo ay waday jaamacadda Westren university ayaa waxaa lagu sheegay inta saac ee larabo in uu jiifo qofka waxaana lagu sheegay in hurdada badan ay leedahay caafimaad daro sida ay hurdada yarba u leedahay caafimaad daro.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in wixii kabadan ama ka yar 7 ilaa 8 saac oo lajiifto habeenkii ay leedahay caafimaad daro dhanka Maskaxda ah.
Dr. Conor Wild oo ah mid kamid ah hogaamiyayaashii cilmi baarista ayaa dhahay “Hadii aad seexato 11 saac maalin kasto waxa ay dhaawaceysaa maskaxdaada sida ay u dhaawaceyso adigoo jiifto saacado yar oo kale” waxa uu sii raaciyay “Dhibaatadu waxa ay imaanee marki arinkan la joogteeyo”.
Machadka lagu magacaabo Western’s Brain and Mind Institute ayaa xogtaan ka soo aruuriyay dad gaaraya 40,000 oo qof waxaana loo qeybiye Questionnaire si ay u buuxbuuxiyaan kahor inta aan qaab online ah loogu qaadin tijaabooyin.
Dr. Conor Wild ayaa hadalkiisi ku siidaray in dadka qaar cilmi baaristaan laga sameeye aysanba jiifan waqtigii loogutala galay hurdada ee ahaa ugu badnaan 8saac waxa uuna sheegay in dadka ay jiiftaan celcelis 6.3 saac habeenkasto.
Cilmi baarista ayaa intaas kusii dartay in Dad aad u tiro badan ay celcelis ahaan seexan jireen afar saacadood habeenki, taasina waxay saameyn ku yeelatay in 10 sano ka weynaato marka loo eego wax qabadkooda baaritaanada qaar.
Sidookale Cilmi baaristaan ayaa lagu ogaadey in caqliga iyo awooda hadalku ay si aad ah u saameysay hurdada aadka u yar, halka waxqabadka xusuusta muddada-gaaban aaney saameyn ku yeelan.
Hadaba talada Cilmi baarayaasha ayaa noqoneyso in uu Qofku seexo Celcelis 7 ilaa 8 saac habeenkasto.