Cilmi Baaris: Maxaa Ku Qasbo Gabdhaha Qaar In Ay Is Cadeeyaan??!

Cilmi Baaris: Maxaa Ku Qasbo Gabdhaha Qaar In Ay Is Cadeeyaan??!

Waxaa soo batay waayadaan danbo in Gabdhaha qaar ay jirkooda badalaan oo ay is cadeeyaan ayagoo isticmaalayo dawooyin halis oo jirka waxyeelo u geysan karo.

Cilmi baaris lasameeye ayaa lagu ogaaday in 60% Gabdhaha is cadeeyo ay ku qasbeyn Ragga, sababtuna waxa ay ku sheegeen in Ragga aysan si toos ah u dhihin is cadeeya, laakiin ay raadiyaan in tabadan Gabdhaha cad cad.

waxaa sidookale cilmi baarista lagu ogaaday in 25% Gabdhaha is cadeeya ay ayagu cadaanka u arkaan qurux dheeraad ah ee aanan cidina ku qasbin.

Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeyn in daawada la isku cadeeyo ay tahay noocyo badan oo kala gadisan hadana la isku daro marka lamarsanaayo.

Daawada ayaa kala ah mid wajiga u gaar ah iyo mid kale oo Lugaha iyo gacmaha u gaar ah, tan wajiga ayaa ka qaalisan tan kale.

Daawooyinka la is ku cadeeyo iyo Caafimaadka Jirka.

Daawooyinka la isku cadeeyo ayaa ka kooban kiimiko jirka wax yeeleyso waxaana ka dhalan karto cuduro aan la garaneyn oo halis ah.

Dhaqaatiirta ayaa inta badan ka digo isticmaalka dawooyinka kala duwan ee la isku daro kadibna la isku cadeeyo.

Maxaa Xal u ah Gabdhaha is cadeeyo?

In qofku is qurxiyo waa wax fiican laakiin ma haboono in qofku uu badalo midabkiisa gabi ahaanbo dibna ugu laaban waayo midabkiisi hore, sidoo kale caafimaad ahaana uma roona in lamarsado kiimiko kala nooc ah taas oo keeni karta markay jirka la falgasho in ay ka dhashaan cuduro halis ah.

Caafimaad