Waxaa Taiwan kadhacday arin aad layaab u noqotay kadib markii haweeney Indhaha ka xanuunsaneysay 4 Shini laga soosaaray Isheeda Bidix.
Bukaankaan oo ah 29 jir ayaa markii ay booqatay Isbitaalka waxa ay lakulantay wax ka duwan wixii ay fileysay oo ah in isheeda bidix laga soosaaray 4 Shini.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Fooyin University Hospital ayaa sheegay in afartaan Shini ayu ku noolaayeen ilinta kasocotay Isha Haweeneydaan bukaanka ah.
Mid kamid ah Dhaqaatiirta ayaa usheegay warbaahinta in asiga oo isticmaalayo Microscope uu Shinida u saaray mid mid.
Shinida laga soosaaray haweeneydaan ayaa looyaqaan Shinida Ilinta waana Shini jecel ilmada waana shini inta badan cabto ilmada xoolaha.
Dhaqtarka ayaa sheegay in Haweeneydii daawo looqoray ayna rajeynayaan in ay bogsato, sidoo kale waxa uu sheegay in Shinida lagu sameyn doono cilmi baaris, waxa uu intaas ku siidaray in arinkaan uu yahay dhacdadii ugu horeyse ee lagu arko Taiwan.
Dr Huang mar uu lahadlaye warbaahinta ayu sheegay in Shinida nooca loo yaqaan Shinida ilmada aysan weerar kuqaadin dadka laakiin ay jecaalatay kaliya Ilmada dadka.