QORMO CAJIIB AH “MURUGO IYO XANUUN AYEY I BADEEN KUWII I ADOONSADAY”

QORMO CAJIIB AH “MURUGO IYO XANUUN AYEY I BADEEN KUWII I ADOONSADAY”

==================================================
Magaciisu waa George waxaa isaga,hooyadii iyo aabihii ay ka wada shaqeeyn jireen beer uu lahaa nin cadaan ah oo u dhashay dalka Mareykanka.

Waxa ay qabtaan shaqooyin aad u culus maalin kasta iyagoo ka mid ahaa dadkii madoobaa ee mareykanka ee la adoonsan jirey.

Muddo markii ay hawshaa culus ku jireen ayaa waxaa dhacday in wiilkii George uu is weeydiiyey bal shaqadan dhibka badan sida ay uga bixi karaan.

Waxaa usoo baxday in uu u baahan yahay inuu wax barto oo maskaxda shiilo,dabeedna waa uu ku dhaqaaqey arintaas.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu soo galay iskuul ay ku jiraan ardey yar yar oo cadaan ah dabeedna waxaa dhacday in caruurtii ay ka argagaxaan muuqaalkiisa waana kala carareen iyagoo ku qeylinaya waa Daanyeer.

Maamulkii iyo macalimiinta iskuulka ayaa qeyladii kusoo baxay waxaana wiilkii dhalinyarada ahaa ee George ay ku amreen inuu iskuulka ka baxo loona ogoleyn waxbarasho maadaama uu ka mid yahay dadka madow ee la adoonsado.

George waxuu ku adkeystay inuu doonayo waxbarashada loona ogolaado,dabeedna markii ay wada tashi sameeyeen maamulkii iyo macalimiinta iskuulka waxa ay go’aan ku gaareen in loo ogolaado ardeynimo laakiin waxaa loo sheegay in ardeyda cadaanka xaqqa ay leeyihiin barkood uu leeyahay isagu.

Waxaa kaloo loo sheegay in marka iskuulka uu yimaado ay macalimiinta ku dhufayaan midkiiba hal feer iyo laad waana uu ogolaadey.Sidaas ayuu ilaa dugsigii sare ku dhamaystay wiilkii George ahaa.

Markii uu dugsiga sare dhamaystay waxuu go’aan ku gaarey inuu jaamacad tago waxuuna doortay inuu barto Cilmi nafsiga.

Gobalka California jaamacad ku taala ayuu waxbarashadii kasii watay iyadoo mar kale ay dhacday in ardaydii cadaanka ahaa ay yasid iyo af lagaado ay kula kacaan,laakiin dheg uma dhagin waxaana uu ku adkeystay in waxba uu kasoo qaadin dadaalkiisan uu sii kordhiyo.

Waxaa dhacday in gabar cadaan aheyd oo aad u necbayd dadka madow uuna dhalay nin laga heybeysto oo madax ahaa ay ku adkeysatay in wiilkaa madow jaamacada laga eryo iyadoo adeegsaneysa awooda aabaheed.

George waxaa uu ku sigtay in jaamacada laga eryo waxaase dhacday is jiid jiid dheer ka dib loo ogolaadey inuu waxbarashadiisa sii wato.

Ardaydii cadaanka ahaa gaar ahaan gabadhii iyadu sida xooga leh u necbeyd dadka madow ayaa waxa ay ku adkeysteen in wiilka George uu wejigiisa ka qariyo inta ay jaamacada joogaan oo madaxa uusoo gashado jawaan sanka iyo indhaha u furan si uu wax uga arko uguna neefsado waana uu ogolaadey arintaas.

Gobalka California oo ka mid ah meelaha ugu kulul dalka Mareykanka oo jaamacada uu wax ka baranayey ku taalay wiilkii Goerge sidaas dhibta badan ayuu wax ku baranayey uguna adkeysanayey.

Runtii murugo iyo xanuun ayey i badeen kuwii i adoonsaday ayuu yiri George.

Muddo markii uu arrinkaas ku jirey George ayuu ku fakaray inuu adeegsado cilmi nafsiga oo uu baranayey bal siduu gabadhan isaga difaaci lahaa.

Waxaa dhacday inuu soo ogaaday gabadha qolka ay ka dagan tahay jaamacadda kadib waxa uu soo ogaaday waraaqaha meesha loogu rido waagaas ma jirin taleefoonno iyo computer iyo qalab kale waraaqo ayaa wax la isugu qori jirey qofkana meel ayaa loogu ridi jirey kadib markii uu meeshii soo ogaaday ayuu si qarsoodi ah u soo qorey waraaqo jacayl oo saamayn badan ku reebaya qofka bini’aadamka ah Qalbigiisana taabanaya.

Waraaqahas markuu qorayay waxa uu kala haray copy.
Copy caadi ah ma jirin laakiin waraaq walba markuu qorayo mid kale oo la mid ah oo la far ah ayuu qorayay oo dhiganayay qolkiisa isaga oo og waxa imaan karo maxaa yeelay wa nin cilmi nafsiga bartay.

kadib waraaqo jacayl ah oo saameyn leh oo Qalbigeeda taabanaya ayuu ku qorey warqadahaas uu qorayo ma ahayn oo kuma qornayn waxay ka socdaan ama ka timi hebal balse waxaa ku qorna waxay ku socdaan hebla markaa lama garan karo cidda soo qortay Kadib sanduuqeeda ayuu ugu ridaa maalin walba oo khamiis ah.

Gabadhii cadaanka aheyd waraaqihii waa ay aragtay waana ay akhrisay waxaana ay la yaabtay erayada jaceylka ee ku qoran oo aad u qiimo badnaa.

Maalinkii labaad ayuu kuwa kale ugu ridey isagoo cidna arkayn kadib maalin walboo ay aragto waraaqo lagu soo rido waxay aragtaa waraaqo kasii qurux badan waraaqihii hore oo ka farshaxamaysan kaasoo qalbigeediina soo jiitey waxayna u qaadatay in mid kamid ah ardeyda jaamacadda ee caddaanka ah uu usoo qorey warqaddaas isla markaasna uu u yeelay qof jacel iyadiina jacayl ku abuurey.Laakiin ma oga inuu soo qorey Goerge waraaqahaas.

Mudo ka dib Gabadhii saameyn ayay ku yeesheen waraaqahaas waxyna ku kalliftay in ay gabadhii fasalka kasoo daahdo muddo markey soo daaheysay markii dambe waxay bilowday iney maalinna goyso maalinna timaaddo jaamacadda iyadoo ku mashquulsan waraaqahaas isla markaasna waxaa maskaxdeeda ka guuxayay in ay ogaato ruuxa soo qorey warqadahan nasiib darro kuma aysan guuleysan.

Maalintii dambe waxay gabadhii keentay in ay jaamacadda ka harto iyadoo uu qalbigeedu uu ku abuurmey Jacayl xad dhaaf ah iyadoo qof aan la aqoon waraaqo usoo qoraya.
Geogre waxaa guul u aheyd in Gabadhii doonaysay in waxbarashada ay u diido oo ka reebto uu iyadoo si farsameysan ugu diido in ay waxabarato jaamacadana ka tagto.
Waxaa dhacday in gabadhii uu ku lixaad saday jacaylkii wuxuuna isu badalay xanuun iyadoo Aabbaheed xaaladda gabadhiisa uu aad uga naxay waxaana uu u geeyay dhakhaatiir farabadan oo Gobalka California iyo adduunka ba ah waxaana markii baaritaan lagu sameeyey loo sheegay inuusan hayn xanuun jirka ah.

Markii dambe waxaa loo geeyay Dhakhtar u dhashay dalka Faransiiska ah oo joogay caasimada dalkaas ee Paris waxaana dhakhtarkii uu sheegay in ay gabadhan wax ka maqan yihin ? haddii ay heshana waxa ka maqan Gabadha ay caafimadayso kadibna odeygii aabaheed wuxuu u tagay gabadhiisi wuxuna weeydiiyay waxa ka maqan.

Waxay u sheegtay inuu jiro wiil usoo qori jirey waraaqo isla markaasna uu san sheegin cidda uu yahay wiilkas oo qalbigeeda hantay ayna rabto wiilkaas in ay hesho.
Haddii ay wiilkas ay heshana waxay sheegtay in ay waxbadan iska badalayaan nolosheeda waxaana xaqiiqdii cudurkaas uu ahaa cudur in ay u dhimato ku sigatay oo aabbeheed na kala cararayay.

Waxa ay kusoo laabteen Odeygii iyo gabadhiisii Gobolka California waxaana uu iclaamiyay in lagu qabto xalfado kiniisadaha iyo Jaamacadaha waxa kaliya uu raadinayo waa wiilkii waraaqaha usoo qori jirey Gabadhaas si gabadha nolosheeda loo bad baadiyo.

Ugu dambayntii waxaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Jaamacadda California iyadoo ay ka soo qeyb galeen ardey badan oo caddaan ah marti, macallimin iyo madax kale oo faro badan.

George oo ka mid ahaa ardeyda Jaamacadda ayaa macallimiintiisa waxa ay ka codsadeen Inuusan is tusin Martida meesha isugu yimid ee cadaanka ah waayo waxaa laga yaaba in lagu canaanto oo la yiraahdo qofkan ma idinkaa meesha soo galiyay waxayna galiyen qol aad u kulul halkaas ayuuna ku dulmanaa xaqqiisana sidaa laga yeelay.

Kadib safkii markii si quruxbadan loo fariistay ayaa waxa la guda galay in bal la is weeydiiyo wiilka gabadha usoo qori jirey waraaqaha waxaana loo ballan qaadey haddii uu wiilkas isa sheego in la siinayo oo loo guurinayo gabar aad u qurux badan oo qoys ladan ama hanti leh ka dhalatay sidoo kale lacag badan la siin doono.

Xaqiiqdii damac ayaa galay dhalinyaradii mid walba lacagtaas iyo gabadhaas quruxda badan inuu isku helo ayuu doonayey.
Dhawr ayaa isa soo qaddimay mid ayaa bilaabay oo yiri aniga ayaa usoo qori jirey waraaqaha waxaa la weydiiyay caddeyn maxaad haysataa dabeedna madaxa ayuu timaha xoq xoqday waayo wax caddeyn ah mahayo ilaa 5 wiil oo dhalinyaro cadaan ah ayaa fashilantay oo keeni waayey wax caddeyn ah.

Wax yar ka dib ayaa qolkii waxa kasoo baxay wiilkii George iyadoo Dadku marka ay dhalinyarada cadaanka ah hor istaagayeen u sacbinayeen hase ahaatee markii isaga la arkay sacabkii ayaa joogsaday indhihii oo dhan ayay taageen dadkii dhiniciisa ayayna u taageen waxaana la is lahaa talow kani muxuu samayn doonaa dadkii ayuu soo dhexmaray qof walba oo uu soo dhaafo waxa uu uu lahaa war naga fadhiiso ceeb kugu dhacday oo yaan nalagu kaa arage.

George waa socdey waxaana uu fuuley goobtii masraxa ahayd.
Odeygii gabadha aabbaheed oo madax ahaa masraxana saarnaa ayaa yiri war waxani muxuu ahaa isagoo kuwii horena lahaa oo weeydiinayey maxaad caddeyn haysataa balse Goerge uu ku yiri maxaad tahay.

George wuxuu hal mar ku dhawaaqey inuu yahay wiilka la raadinayo ee gabadhaas halkaas jaceylka la jiifta uu ku abuuray dabeedna dadkii oo dhan ayaa dhafoorrada qabsaday Qaarna afka ayay qabsadeen Qaarna hoos ayay u jeedsadeen cajaaib Naxdin Oohin qaarna waa ku qoslayeen waxayna noqotay arrin aad loola yaabo.

Ninkii daanyeerka ay ku sheegeyeen ee Gabadhii ka carari jirtey in maantay jacayl uu ku abuurayo aad ayay layaab u noqotay.

Kaddib aabbeheed waxa uu weydiiyay Maxaad caddeyn ah haysataa waxa uu George lasoo baxay waraaqadihii oo uu jeebka ku haystay isagoo leh Tani waa tan tani waa tan.

Gabadhii oo maqlaysa ayaa indhaha kor u taagtay iyadoo kor u eegaysa Kaddib gabadhii ayaa soo booddey waxayna xabadka galisey George Dadkii oo dhan ayaa istaagay waana loo sacbiyay iyadoona aad loola yaabban yahay arrinkaan waxayna aheyd arin aad usoo jiidatay dad badan.

Halkaas ayaa gabadhii lagu goddoon siiyay George Gabadhana waxa lagu magacaabi jidhey Mariya halkaas ayaana la isugu guuriyay isagoo mudo ka dibna dhameystay waxbarashadiisii jaamacadeed.

DULUCDA SHEEKADA WAXA WEEYAAN DADAALAA WAA UU GAARAA WAXAADNA OGAATAA WAX WALBA OO AAD ISKU DEYDO INAAD GAAREYSID HADAADSE ISKA AAMINTO QOF LIITA SIDAAS AYAAD WALIGAA AHAAANAYSAA OO MEELNA GAARI MAYSID HADDAAD ISKU DEYDO DADKA DHAN INAAD KA SAREEYSID HORAA U SOCONAYSAA.

Waxaa Nooga sheekeeyay aniga iyo ardey aan isku fasal ahayn Oo Fasalka 7-aad DHAMAADKII 2015 USTAAD Mohamed Ahmed Yuusuf allaha ku xifdiyo ustaad.

Qalinkii Abdulaahi Abdirisack Ismaaciil Shaandheeye

Maqaalo