Jaamacad ku taalo wadanka Kownfur Kuuriya ayaa soosaartay hanaan Saxarada qofka loogu badalaayo tamar koronto iyo lacagaha hawada ah ee wax lagu kala iibsado.
In aad isticmaasho Musqulaha/Suuliyaasha kuyaalo jaamacadaan adigoo ku saxaroonayo waxay kuu sahli kartaa in aad ka hesho lacag saxaradaas kadibna aad ku iibsato kafee, Qudaar, Buugaag iyo Wixii aad u baahato ee kale.
Cho Jae-weon oo ah Injineer iyo Bare ka tirsan Jaamacadda Ulsan National Institute of Science and Technology (UNIST) ayaa nashqadeeye Musqul ubadaleyso saxarada qofka Tamar koronto ka dhalan karto.
The BeeVi toilet waa magaca Muqsusha taas oo ubadaleyso saxarada qofka tamar soo saarto koronto, waxaa hada tamartaaas istimcaalo Jaamacadda.
Qofkasto waxaa maalinkii uu soosaaraaa qashin dhan Nuskiilo taas oo loo badali karo 50 liitar oo Gaaska noociisa looyaqaano methane gas, Gaaskaas waxa uu noqon karaa koronto dhan 0.5kWh ama waxaa loo isticmaali karaa Gaari ayadoo lagu kaxeynkaro masaafo dhan 1.2KM.
Ardayda Isticmaasho Musqushaan ayaa markii ay saxaroodaan waxa ay lacagtooda u helayaan qaab Digital ah ayagoo isticmaalo hanaanka lacagaha casriga ah ee loo yaqaano Ggool.
Mid kamid ah ardayda Jaamacadda oo hadlay ayaa dhahay waxaan saxarada u heysan jiray in ay tahay wasaq aan faaiido laheyn laakiin hada waxaa heysanaa fursad aan macaash uga raadin karno.
Lacagta aad kahesho Saxarada waxaa wax uga iibsan kartaa suuqa lacagaha casriga ah ee Ggool, bal kawaran saxaradii aad dhigtay hadii ay noqoneyso lacag??
Hadii uu arinkaan layaab kula noqday fikradaada nagula wadaag qeybta hoose sidookale ku soobiir shabakadda adigoo qeybta hoose ka rukumanaayo!!