Qaraha ama Xabxabka oo ah qudrad baxdo inta badan xiliga xagaaga sidookalana aad loohelo waqtiyada kuleelaha ayaa jirkeena uleh muhiimad dheeraad ah, Qaraha kabaxo dalka hooyo oo leh dhadhan aad u macaan ayaa hadana waxaa intaas u siidheer in uu leeyahay Faaiido caafimaad.
Cunista Qaraha waxaa laga helikaraa Fitamiino, Nafaqooyin faro badan sidookale waa biyo, waxaa halkaan ku soo gudbin doonaa 5 Faaiido oo laga helo cunista qaraha:
1. Waxa Uu Joogteeyaa Qoynaashaha Jirka.
Sida caadiga ah Halkii Qare waxaa lagu qayaasaa in 92% uu yahay biyo taas oo jirka ka saacideyso in uu qoynaado markasto oo aad cunto, Jirkeenu 60% waxaa lagu qiyaasaa in uu yahay Biyo, qaraha/Xabxabka cunistiisuna ay muhiimad gaar ah u leedahay Jirka.
2. Waxa Uu Joogteeyaa helista Fitamiinaadka Aasaasiga ah.
Qaraha waxaa ku jiro Fitamiino uu jirku u baahanyahay waxaana ka mid ah kuwaas:
Fitamiin A oo kaa caawinaayo araga iyo caafimaadka Sambabaha.
Fitamiin C oo sahlayo in jirku soo nuugo birta kamaqan, xoojinayana difaaca jirka.
Fitamiin B6 oo kaa caawinaya xoojinta difaaca Jirka iyo Caafimadka Wadnaha, sidookale waxaa Qaraha laga helaa Maadada looyaqaan Magniisiyam taas oo kaa caawineyso joogteynta shaqada Murqaha iyo Neerfaha.
3. Waxa Uu Maamulaa Culeyska Jirka.
Beil oo ah khabiir ku taqasusay Nafaqeynta ayaa leh hadii uu qofku cabo hal koob oo qare ah waxa uu ka helayaa 45 Kolooriyaas, taas oo ka saacideyso qofka in uu qaato Kalooriye aad uyar, Cilmi baaris lasameeye 2019 kii ayaa sheegeysa saameynta uu leeyahay cabitaanka Qaraha.
Waxa ay Cilmi baaristu isbarbar dhig ku sameyse koox dad ah oo mudo afar isbuuc ah cabaaye 2 Galaas oo cabitaan Qare ah maalin kasto iyo Koox kale oo cabaaye cabitaan kale oo u dhigmo nafaqo ahaan.
Cilmi Baarista ayaa sheegtay in kooxdiii Qaraha Cabeyse ay dareemeen Culeyskii oo yaraaday iyo Baahi la’aan marki loo fiiriye dhigooda.
4. Waxa Uu Yareeyaa Cadaadiska Dhiiga.
Isku dhiska looyaqaan Citrulline waxa uu nasiina galiyaa tubooyinka dhiiga qaado, taas waxa ay keeneysaa in uu yareeyo qulqulka dhiiga iyo karkaarkiisa, Shapiro oo ah khabiir caafimad waxa uu intaas sii raaciye in qoynaanta jirka ay saacideyso cadaadiska dhiiga.
5. Waxa Uu Yareeyaa Halista Cudurada Qaar.
Khabiir Shapiro waxa uu leeyahay Qaraha waxaa kubadan Maadooyin Jirka muhiim uah kana caawinaya ka hortaga cudurada qaar.
Hadii aad Maqwaalkaan ka heshay uga falceli isla qeybta hoose, sidookale kusoobiiir Mareegtaan adigoo ka Rukumanaayo isla qeybta hoose.