Cilmi Baarayaal Soosaaray Birqabato Gowsaha Lagu Dhajinaayo Si Cayilka Qofka Buuran Looyareeyo!

Cilmi Baarayaal Soosaaray Birqabato Gowsaha Lagu Dhajinaayo Si Cayilka Qofka Buuran Looyareeyo!

Jaamacadda Otago iyo Cilmi baarayaal u dhashay wadanka UK ayaa soosaaray birqabato Gowsaha lagu dhajiyo si dadka cayilan aysan usiicunin wax faro badan.

DentalSlim Diet Control waa magaca birqabatda waxaa lagu dhajinayaa gowsaha danbo si uu qofka uusan u cunin raaashinka noociisa adag iyo sidookale midka dareeraha ah, balse qalabkaan waxa uu ogolaanayaa qofka in uu hadlo sidookale uu neefsado.

Koox dad ah oo ka qeybqaatay tijaabada birqabatadaan ayaa sheegay in uu jirkoodu kadhacay culeys dhan 6.36kg mudo labo isbuuc ah, waxa ay si fiican u amaaneen qalabkaan.

Paul Brunton oo ah madaxii hogaaminaaye cilmi baaristaan sidookalana ah gudoomiye ku xigeenka qeybta caafimaadka Jaamacadda Otago ayaa sheegay in qalabkaan uu yahay mid waxtar leh sidookalana uu noqon doono mid raqiis ah, caafimaad leh, cayilkana la dagaalami doono.

Qalabkaan waxaa qofka ku rakibi doono dhaqaatiirta Ilkaha waxa uu kufiicanyahay ayaa ah in qofka si dhaqsi leh looga furi doono hadii uu u baahdo caawinaad dagdag ah, sidookale sifudud ayaa lagu rakibi karaa.

Dadka inta badan miisaanka iska rido way cawdaan xiliga ay kuguda jiraan miisaan dhimista, laakiin qalabkaan waxa uu gaar layahay ayaa ah in qofku uusan caban doonin hadii uu isticmaalo.

Cilmi baaris dhawaan la sameeye ayaa sheegeysa in 1.9 Bilyan oo dadka waaweynka ah kuna nool daafaha dunida ay miisaanki loogu tala galay dhaafeen, 650 Milyan oo dadkaas kamid ah waxa ay u cayilanyihiin si xad dhaaf ah, cilmi baarista waxa ay intaas ku dartay in 2.5 Milyan oo qof ay sanad kasto u dhintaan cayil dartiis, sidookale Cilmi baarista waxa ay saadaalisay in 57% dadka ku nool aduunka ay cayilnaan doonaan sanadka 2030 ka.

Calaamado cilmi nafsi ah ayaa lugu arki doonaa dadka cayilan sida in uu qofka isku walaacmo, in uu ceyb iyo yaxyax dareemo qofka cayilan, in uu kacawdo cunista raashin aan munaasab aheyn iyo in lafaquuqo, ayuu yire Dr Paul Brunton.

Isticmaalka Qalabkaan waxa uu caawin doonaa dad badan oo cayilan una baahnaa in ay qaliin maraan si xeyrta qaaar looga rido, sidookale waxaa la saadaalinayaa in uu qalabkaan noqon doono mid caawin lixaadleh ka geysto cayilka xad dhaafka ah.

Hadii aad maqaalkaan ka heshay ku soobiir Majaladaan oo Rukumo si aad u hesho maqaalo kale oo muhiim ah.

Caafimaad