15 ka Bisha 5aad waxaa loo balansanyahay in dalka ka dhacdo doorasho lagu dooran doono Madaxweynaha 10 aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse arinka la yaabhka leh ayaa ah tirada musharixiinta u tartamaayo Xilka Madaxweynaha.
39 Musharax ayaa u taagan Xilka Madaxweynaha, Waxay isugu jiraan Madax dalka ka sooqabtay xilal kala duwan iyo dad ku cusub Saaxadda Siyaasada, Musharax kasto waxa uu bixiyay lacagta is diiwaan galinta oo dhan $40,000 ( Afartan kun oo doolar)
Doorashada oo ah mid ay codka dhiiban doonaan kaliyan Xildhibaanada 2da Aqal oo tiradoodu tahay 329 Xildhibaan ayaa hadii looqeybiyo Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha waxaa musharax kasto ku soo aadeyso 8 Cod, balse sidaas wax ma noqon doonaan oo la qeybsan mayo, taa badalkeed Musharixiinta qaar ayaa heli doono in ka badan 50 Cod halka kuwa qaarna ay heli doonan 0 Cod.
Sida caadiga ka aheyd siyaasadda Soomaaliya Musharixii hela wax ka badan 35 Cod waxaa uu si dhib yari ah ugu gudbi jiray Wareega 2aad, ayadoo wareega 2aad ay u gudbi karaan kaliya 4ta Musharax ee ugu codad ka badan.
Waxyar hadii aan dib ugu laabano natiijada wareega 1aad ee doorashadii Madaxweyne 2017 Waxaa Wareega 2aad u gudbay 4taan Murashax oo kala ahaa:
Xasan Sheekh Maxamuud 88 Cod
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 72 Cod
Shariif Sheekh Axmed 49 Cod
Cumar Cabdirashiid 37 Cod
Sidookale Doorashadii Madaxweyne ee Dhacday sanadii 2012 waxaa wareega 2aad u gudbay 4 Musharax waloow markaas ay codeynayeen kaliya Golaha Shacabka oo ahaa 275 Xildhibaan waxaana meesha ka maqnaa Aqalka Sare oo hada ah 54 Xubin.
Waxaa Codadka Wareega 1aad lookala helay sada tan:
Shariif Sheekh Axmed 64 Cod
Xasan Sheekh Maaxamuud 60 Cod
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas 30 Cod
Cabdulqaadir Cosoble Cali 27 Cod
Doorashada Sanadkaan 2022 way ka duwantahay 2dii doorasho ee u danbeyse ee ka dhacday dalka, waxaa la saadaalinayaa in wareega 2aad ay isla aadi doonaan 4 Musharax oo isku rajo ah natiijo ahaana isku dhaw, saadaashu waxa ay leedahay 4ta musharaxa ee u gudbo wareega 2aad, waxaa macquul ah kaliya in uu iska casilo hal musharax, waxaana la saadaalinayaa in uu musharaxaas noqon doono MW Farmaajo.
Sidookale saadaashu waxa ay leedahay hadii doorashadii 2012 laga gudbay wareega 2aad oo lagu kala baxay wareega 3aad, doorashadii 2017 lagu kala baxay wareega 2aad oo aan la isla gaarin wareega 3aad, tan 2022 way ka duwanaan doontaa oo waxaa la tartami doonaa Wareegyada 1aad, 2aad ilaa 3aad.
MAQAAL: Doorasho Miyaa Mise Isxulasho!
Lagama hor dhici karo cida noqon doonta Madaxweynaha 10aad ee dalka balse waxaa jiri doono tartan adag oo ka duwan ku wii horay loo soo arkay ayay saadaashu leedahay.
hadii aad ka heshay Qormadaan nagu soo biir oo qeybta hoose ay ku qorontahay RUKUMO geli Gmail kaaga si aad qormo walbodegdeg ugu hesho.