Waxaa wali socdo dagaalkii u dhaxeeye wadamada Yukreen iyo Ruush kaas oo soobilaawday 24 kii bishii 2aad sanadaan 2022 ka, dagaalka ayaa sababay ilaa hada qasaaro lixaad leh oo isugu jiro Naf iyo Hanti intaba.
Ruushka oo ah dalka weerarka sooqaaday, waxa uu lakulmay cunaqabateen daran waxaana dhulka galay dhaqaalihihiisa, sidookale waxaa hoos u dhac weyn kuyimid qiimaha lacagata dalka Ruushka.
Saameynta dagaalkaan kaliya kuma eka 2da dal ee is fara saaray balse waxa uu ugudbay aduunka oo idil, waxaa mar qura la dareemay isbadal dhanka maciishada ah.
Shidaalka ayaa qiimo ahaan kor aaday, waxaana laga dareemay sare ukaca qiimaha Shidaalka guud ahaan caalamka si isku mid ah, waxaa sare ukacay wax walboo laga sameeyo Saliida Ceeriinka ah sida Betroolka Gawaarida yaryar, naaftada gawaarida Waaweyn, Oolyada, Shidaalka Diyaaradaha iyo Saliida caadiga ah intaba.
Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa aad loo daremayaa qiimaha shidaalka oo sare u kacay, Gaadiidka dadweynaha sida Bajaajta qiimaha lagu raaci jiray ayaa siyaaday.
Korontada oo laga dhaliyo shidaal ayaa qiimaheedii kor aaday oo waxaa lagu daray 0.10 Sinti halkii Kiiloo Waat KW, waxaa go’aankaas ku dhawaaqay 3da Shirkad ee ka howlgalo Muqdisho kuwaas oo kala ah, BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky Energy.
Waxwalboo Ubaahantahay In aad Ka Ogaato Dagaalka Yukreen Iyo Ruushka!!
Ruushka waa dalka sadaax ee aduunka kaas oo soosaaro Saliida ceyriinka ah, cunaqabateynta la saaray ayaa sabab u ah in qeybtii uu aduunka ka siinjiray shidaalka lawaayo waxaana ka dhashay sare u kac ku yimid wax walboo laga sameeyo saliida ceyriinka ah.
Hadii aad maqaalkaan ka heshay nagu soobiir oo Gmail kaaga gali qeybta hoose halka ay ku qorontahay RUKUMO, Mahadsanid