Soomaaliya waxa ay taarikhda Afrika uga jirtaa baal dahab ah markii laga hadlaayo Doorasho, waxaa u diiwaangashan in ay tahay dalkii ugu horeeye oo Afrikaan ah, isticmaarkii kadib doorasho qabtay xilkana lagula kala wareegay si nabad galyo ah oo aan wax isqabqabsi ah kujirin.
Allaha unaxariistee waxaa xillka madaxnimo si maamuusleh u wareejiye madaxweyne Addan Cadde waxa uuna ku wareejiye allha unaxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ladoortay, taas waxa ay cashir u noqotay guud ahaan qaaradda Afrika.
Waxaa xigay nidam kali talis ah oo dalka maamulayay mudo 21 sano ah, kadib waxaa duntay guud ahaan dowladii Soomaaliyeed, dadaal dheer kadib sanadii 2000 waxaa magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu dhisay Dowlad, intaaas wixii ka danbeeye waxaa isasoo raacay oo isku xigxigsaday dowlado kaladuwan.
Ujeedka qormadaan hadaan uguda galo, Soomaaliya waxaa 10kii sano ee lasoodhaafay kadhacday 2 doorasho, waxaana hada socoto tii 3aad sanadaan 2022 da, waxaana lagu dooranayaa Baarlamaan 2 aqal ah, baarlamaankaas ayaana soo dooron doono Madaxweyne, Madaxweynahaasna waxa uu magacaabi doona Reysalwasaare, halka Reysalwasaarahana laga sugaayo in uu soodhiso xukuumad, waa sida hanaanka doorashada dalka’e.
Doorashadii 2016 ka iyo tan hada socoto ee 2021-2022 waxa ay u dhacayaan qaab lala yaabo, wax lagu tilmaamana lama yaqaano, magaca doorasho ayay kawada wataan laakiin qaabkooda waa is xulasho oo wax doorasho ladhaho maba socdaan.
Hadii aan marka hore ka hadlo Aqalka Sare ee dalka waxa lasameeye sanadii 2016 ka, waa markii ugu horeyse oo ay Soomaaliya yeelato Aqalka Sare, laakiin waxaa jahawareer ka jiraa qaabka loosoodhiso iyo awoodihiisa, hadii aan ku hormaro qaabka loo soodhiso, waxaa xulistiisa lasiiye madaxda maamul goboleedyada, xulasho kadib waxaaa dooranaayo Baarlamaanka maamul goboleedyada.
Hanaanka xulista ah ee Aqalka Sare loomaro oo qaab foolxumo ah loo dhisay waxaa kadhalatay wax lalayaabo, waxaa kuraastii aqalka sare sideey doonaan kayeesheen madaxda Dowlad goboleedyada, waxaana arinkaas usabab noqday eraybixin qaldan oo loosameeye kuraasta taas oo ah in la dhahay Aqalka Sare waxa uu Matalaa Maamul Goboleed.
Dhanka Waxqabadka Aqalka Sare waxaa awoodihiisii duudsiiye Madaxweyne Farmaajo oo waxba kama jiraan kasooqaaday, waxa uu gabi ahaanba cuuryaamiyay awoodihii dastuuriga ahaa ee uu lahaa Aqalka Sare ee dalka.
Dhanka Golaha Shacabka 2016 iyo 2021-2022 doorashooyinkii dhacay hanaanka loo maray waxa ay ku suntanyihiin boob, musuq, kursi xerasho iyo eex joogto ah, xildhibaan sidaas ku soobaxay, Xildhibaan sidaas ku soo baxay waxaa la is weydiinaya ma danihiisa khaaska ah ayuu ka shaqeyn doonaa mase dano deegaan iyo mid dal ayuu wax kla qaban doonaa!?
Gunaanad iyo Talo
Burburkii qaranka wixii kadanbeeye waxa wali uu dalku la daalaa dhacayaaa soo kabasho, in doorasho qaran oo hufan la sameeyo waxa ay ku imaan kartaa in lagu heshiiyo ka shaqeynta danta guud oo danaha gaarka ah meel la iska dhigo, iyo in la hagaajiyo Dastuurka ku meel gaarka ah meeshana laga saaro xildhibaan beeleedka laguna badalo xildhibaan Deegaan.
hadii aad u baahantahay maqaalo muhiim ah fadlan ku soobiir mareegtaan oo qeybta hoose ka Rukumo adigoo galinaya Email kaaga Mahadsanid