MAQAAL: Macalinkii Labadda Mar Madaxweynaha Noqday!.

MAQAAL: Macalinkii Labadda Mar Madaxweynaha Noqday!.

Tan iyo markii Dalkeennu ka baxay gacanta gummeystihii reer Galbeedka oo maanta laga joogo lixdan iyo dhowr sanno hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliya maallinba heer ayuu joogay, waa mare halisyo waaweyn ayuu dhex muquurtey qarankeenu marna hiraal iyo rejo hor leh ayuu u jaheysanayey.

Ma dhicin wixii Dowlad Dalkeenna isku badbadalayey taariikhda madaxweyne mar dalkeenna soo xukumay in talada dib loogu soo celiyo,waxay ahayd wax adag oo dhexdeena aan dhici karin in qof dalkaan soo hoggaanshay uu mar 2aad isla jagadii noogu adeego.

Soomaalidda dhexdeeda markey sheekeysanayaan waxaa caan ka ahayd kelmad ah “Qof Dalkaan soo xukumay Soomaalidu dib uma doorato oo waa dhaqan noo gaar ah innaga”, hayeeshee taasi waxay soo afjarantey 15 bishan May, 2022 oo dib loo doortey madaxweynihii 8aad ee Dalkeenna, haddana noqday madaxweynihii 10aad.

Xasan Sheekh oo ah Oday waqti dheer ka shaqeynaayey arrimaha bulshadda gaar ahaan waxbarashada ayaa kamid ah dad Soomaaliyeed oo tira yar kuwaasoo u istaagay haggaajinta waxbaarashadda markii Qaran jabku na haleelay, taasoo dhaxal siisay inuu helo waxa ugu weyn oo ah dad (Human Capital) baahi iyo dharagba iska ag joogi kara.

Nin oday ah ayan habeen wada afurneynay ninkaas wuxuu ka mid ahaa murashaxiintii la tartamay MW Xasan oo hadda ah madaxweyne,Waxaan weydiiyey su’aal ahayd “30 sanno ayaa Dalkaan ka maqneyd,waxaa rabtaa madaxweyne Soomaaliyeed,waxaa ii sheegtaa 30kii sanno ee aan ku jirnay burburka maxaa ku sheegan kartaa Ummadda Soomaaliyeed oo wax ku darsi bulsho ah oo aad sameysay (Social contribution) sidda waxbarshadda iyo caafimaadka?.

Su’aashaas oo aad u xanuujisay maadaba uu 30 sanno Dalka ka maqnaa wax weyn oo uu dalkaan ku darsadayna eysan jirin ayuu inta dareen ahaan is badalay(Xanaaqay) wuxuu yiri “Adeer kuwa kaarkaas xogta wey jiraan oo tartanka nagula jira laakiin Soomaaliya wax badan ayan taray oo Mareykan ayan uga doodi jiray kana difaaci jiray Soomaalidda.

Waxba kama weydiin halkuu ila aaday su’aal danbana kuma celin oo halkaas ayaan uga haray,Madaxweyne Xasan oo dadku rejo badan ka qabaan xog oggaalnimadiisa guddaha iyo waaya aragnimadiisa villa Somalia waxaa laga filayaa kheyr iyo wanaag badan inuu ku kordhiyo Dowladnimadeena waxna ka barto qaladaadkii ka dhacay waqtigiisii horre.

Shacabka iska muruq maalka ah weli waxaa ku jira saluugga Macallinka ,ciidamaddu il gooniya ayey ku eegayaan, shaqaalaha Dowladu wey dhag taagayaan, dhammaan arrimahaas inuu xal u helo ayaa sugeysa madaxweynaha si uu iskaga dhaqo dacaayadihii dhaqan galay iyo qaladaadkii ka dhacay waqtigii horre.

Allah hakugu asturo mas’uuliyadda Qaran Ustaad.

WQ: Buuni Abdi
Hadii aad ka heshay maqaalkaan lawadaag asxaabtaada sidookale si aad u hesho maqaalo kale oo muhiim ah nagu soobiir oo halka ay ku qorantahay RUKUMO geli Gmail kaaga.
Maqaalo