Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya: Yaa Faa’iido kuqabo Yaana Khasaaro ku qabo?

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya: Yaa Faa’iido kuqabo Yaana Khasaaro ku qabo?

Soomaliya tan iyo burburkii 1992 mahelin dowlad xoogan oo ka dhisan dhan walbo, sidookale waxaa lumay qabkii iyo hanaankii dowladnimo, waxaa sidoo kale burburay dhamaan kaabayaashii dhaqaale oo uu dalku lahaa, laakiin xaalado kala duwan oo lasoomaray haba ugu badnaadaan Dagaal iyo Qax, waxaana hada muuqato rajo wanaagsan oo maalinba maalinka kadanbeyso dareenka Shacabka Soomaaliyeed ku abuureyso dareen dowladnimo.

Xiriirka Somalia iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris ah waxaa kadhexeeyo xiriir Siyaasad iyo mid ganacsi waloow dadbadan ay qabaan in midka ganacsi uusan dheeli tirneyn hadana cidwalbo ay niyada ku heyso in weli Soomaaliya ay ladaalaa dhaceyso burburkii kasoo gaaray dagaaladii sokeeye taas oo sababtay in aan la heli Karin kaaba yaal dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo ku dhiiro galiyo in ay heshiis walbo ay galeeso uu noqdo midka labada dhinacba guul u arkaan  loona yaqaan  ( Win Win Agreement), taas ayadoo jirto ayaa hadana waxaa danta qasabtay in lagalo heshiis kastoo macquul ah si miisaaniyadda dalka lookabo.

Waxaa sidookale jiro manta in aysan Soomliya laheyn ciidan kufilan oo suga amaanka dalka taas oo qasab noqotay in ciidanka  Kenya amaanka dalka wax ka sugaan  ayagoo kamid ah AMISOM waloow markoodii hore laxasuusto in ay dalka xoog ku soogaleyn.

Waxaa kaloo Jirto in 30 kii Sanoo ee lasoo dhaafay ay shacab Soomaaliyeed oo faro badan ku bara kaceyn dalka Kenya, halka kuwa kalana kasameysteen gancasiyo lagu maal galiye malaayiin doolar, waxaa kale oo jirto in arday badan ay wax kabarteen jaamacadaha Kenya halka kuwa kalana ay ilaa manta kujiraan Jaamacdaha Dalka Keyna.

Ayadoo intaas jirto hadii ay manta kala guuraan Soomaaliya iyo Kenya yaa Faa’iido qabo yaana qasaaro qabo? Aan u kala qaadno mid mid anagoo ku hormari doono Faa’iidada dal walbo iyo Khasaaraha Dalwalbo

Soomaaliya Faa’iido iyo Khasaaro

Xaalada uu dalku manta kujiro markaan fiirino Soomaaliya wax Faa’iido ah uguma jirto in manta Xiriirka Kenya lajaro marka laga reebo in uumeesha kabaxo ganacsiga halak dhinac kararan sida  qaadka/Jaadka . Haduu qaadku meesha kabaxo waxaa ka dhalan karto in wadanka lacago fara badan oo kabixi jiray baaqdaan, hadana Dowlada waxa ay weyn doontaa canshuur faerabadan oo kasoo xaroo jirtay qaadka, wax lagu badalana aan manta laheyn maadaama kaaba yaal dhaqaale oo dalku leeyahay aysan jirin.

Waxaa sidoo kale macquul ah in cadaadis lasaaro dadka Soomaaliyeed ee kunool Kenya kuwaas oo isugu jiro Arday, Ganacsato iyo Qaxooti.

Kenya Faa’iido iyo Khasaaro

Hadii ay Soomaaliya iyo Kenya xiriirka kala jartaan, Kenya ayadana maheli doonto waxFaaii’iido ah, waxaasa ka dhalan karto in uu meesha Kabaxo lacago faro badan oo uga soo xaroo jiray Gancasiga Qaadka, sidoo kale waxaa meesha kabixi doono in Hayadaha ka shaqeeyo Somlaaliya saldhigna u ah Kenya lagu qasbo in ay ka soo guuraan iyo in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysto Kenya ay yaraato tiradooda iyo in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dagan Hoteelada Kenya, kuna baxsho lacagaha faraha badan in ay u wareegaan doonaan meelo kale.

Maxuu Khilaafka Salka ku haayaa?

Sida aan lawada socono waxaa jiro muran badeed u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenta kaas oo soo bilaawday 2009 kii, kaas oo weli dacwadiisa kasocoto maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayadoo taasi jirto ayaa hadana Dowladda Soomaaliya waxa ay waayadaan danbe waday dardar xoogan oo lagu sooceliyay hawadii Soomaaliyeed ee laga maamuli jiray Kenya, sidoo kale waxaa lasoo rarary Hay’ado faro badan oo saldhig u ahaa Kenya kana shaqeyn jiray Soomaaliya.

Ayadoo intaas jirto ayaa hadana waxa ay Soomaaliya Iib geyn u sameyse Shidaal laga sahmiye Badda Soomaaliyeed, waxaa markaas ay Kenya darteentay in Soomaaliya ay xawaare ku socoto taas oo meesha keentay in safaaradihii lakala rarto.

Maxaa Xal ah marka?

Si dahana Soomaaliya loo ilaaliyo waxaa muhiim ah in Soomaaliya latimaado qorshe looga maarmi karo Ciidamada wadamada dariska ah, Siyaasad fadhiso oo lagula macaamilo cidkasto oo ay wax kala dhexeeyaan Soomaaliya iyo in lahelo qorshe looga maarmo kaalmada laga helo wadamada kale si aysan noogu qasbin in aan u hoos jiifanno marwalbo oo danahooda gaarka ah u fulino.

DARAASAD: xuquuqda qoraalka waa dhowrantahay.

Maqaalo