Kenya ma iloowday in Soomaaliya ay tahay Libaaxi Afrika oo qoyay?

Kenya ma iloowday in Soomaaliya ay tahay Libaaxi Afrika oo qoyay?

Waxaa ciraka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Laakiin arinka layaabka leh ayaa ah hadalada kasoo yeeraayo Kenya oo u eg mid dib lomaasiyadda kabaxsan.

Wax yar hadaan dib u laabano, Soomaaliya burburkii kahor waxa ay horboodi jirtay Siyaasadda geeska Africa, waxyaabaha aad ka loo xasuusto ayaa kamid ah in ay marwalbo kashaqeyn jirtay nabadgalyada iyo daris wanaaga wadamada geeska Africa.

Soomaaliya ayadoo dadaal ugu jirto soocelinta dhulka kumaqan wadamada Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa dhacday in uu qarankii burburay, qartan jabkii kadib waxaa dhacday in uu damac dheeri ah uu galo wadamada dariska, tusaale Kenya oo dhul kumaqanyahay ayaa damac waxa uu kasoo galay Badda Soomaaliyeed.

Tan iyo 2009 kii waxaa jirtay in muran  ay Kenya galisay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, aydoo sidookale sheegtay in uu jiro heshiis is afgarad oo u udhaxeeyay xukuumadihii waagaas jiray, wallow Soomaali badan ay aaminsantahay in uu heshiiskaas han weyn ku sii abuuray Kenya.

Waxaa xigtay in la isla aado Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladdas ICJ, dhageysi dhowr ah waxaa Kenya u soo baxday in ay rajo fiican ka qabin sheegashadooda ku aadan Badda Soomaaliyeed, kadib waxaa dhacday in ay Kenya codsatay dhowr jeer in muranka Badda Soomaaliyeed si hoose loo xaliyo maxkamaddana laga weeciyo, taas oo Soomaaliya marnaba u cuntamiweysay.

Kadib waxaa dhacday in Kenya abuurtay xiisad siyaasadeed oo ah tan manta taagan, ayadoo ka faaiideysaneyso xaaladda uu dalka Soomaaliya kujiro.

Muxuu Siyaad Bare Ka aaminsanaa Dhulka NFD iyo Soomaali Galbeed?

Taarikhdu markay aheyd 1 dii Julaay 1971 waxaa jirtay khudbo taarikhi ah uu jeediye Siyaad barre isagoo sheegay in dhulka ku maqan Kenya iyo Itoobiya dib loosoo celin doono oo Soomaali dib u midoobi doonto.

Maxaa Soomaali u dan ah Maanta?

Soomaaliya oo siyaasadda geeska Africa looga danbey jiray in manta Kenya ugu goodiso  cuno qabateyn waxa ay kutimid in aysan jirin shacab isku duuban, Ciidan qaran oo awood leh iyo dowlad dhexe oo xoogan oo ay ka danbeeyaan dhamaan maamul goboleydyada kajiro dalka. Hadaba si Soomaaliya u sooceshato qabkeeda waa in lahelo isu tanaasul, lagana shaqeeyo danta guud, hadiisa dan gaar ah laraaadiyo waxaa laweyn doonaa dan guud iyo mid gaar ah toona.

Maqaalo