Hadii aad Dhuusada isku celiso cabaar, ugu danbeyn Afka ayay kasoo baxeysaa!!

Hadii aad Dhuusada isku celiso cabaar, ugu danbeyn Afka ayay kasoo baxeysaa!!

Dhuusada ayaa ah hawo ur badan taas oo inta badan dadku wada yaqaaniiin waana wax marka uu dareemo qoku laraba in uu iska sii daayo

Dhuusada ayaa inta badan waxa ay ka dhalataa marinka dheef shiidka, sababaha qaar ee keenta in uu qofku dhuuso ayaa waxaa ka mid ah:

In qofku uu liqo ama dhunxiyo hawo caadi ah, marka uu cunaayo cuntada, ama in qofku ay ku dhax korto bakteeriyo fara badan gudaha jirkiisa.

Sidoo kale waxaa kamid ah waxyaabaha dhuusada keeno in cuntooyinka ay ku badantahay Carbohydrates ka aysan helin shiidid kufilan, kana dhalato in ay u gudbaan mindhicirada yaryar cuntadii oo aan weli helin shiidid fiican.

Clare Collins oo ah Gabar Professor ka ah jaamacadda Newcastle sidookalana aad u taqanaan Cilmiga nafaqeynta ayaa waxa ay leedahay in qofku dhuusada isku celiyo waxa ay u keeni kartaa in uu dareemo raaxo la’aan.

Sidookale Prof Collins waxa ay maqaal ay daabacday kusheegtay in qofku hadii uu dhuusada isku celiyo cabaar ay taasi keeni karto in hawada dib ugu soolaabato, soona raacdo dhiiga kadib marka ay Sambabada imaatana in uu qofku neefsado qaar kamid ah dhuusadii uu isku celiyay.

Cilmi baarayaaasha waxaa ku adkaatay in ay ogaadaan hawo intee la eg ayuu qofka dhuuso ahaan u sii deyn karaa 24 kii saac.

Tijaabo lasameeye ayaa waxaa ka qeyb qaatay dhowr qof waxaana lasiiye cunto isku mid ah sidoo kale waxaa lasiiye gasac 200 gram ah oo ay kujirto digir/canbuulo si dhuuso badan loo helo, waxaana qofkasto dhuusadii uu sii daayay lagu aruuriye qalab loo yaqaan rectal catheter (ouch). 

Celcelis waxaa soo baxday in uu qofku siideyn karo hawo ama Dhuuso dhan 705ml 24 kii saac ee kasto.

 

Caafimaad