Waxaa Baraha Bulshada Qabsaday oo Geesi Noqday Wiilkii Ukunta #EggBoy

Waxaa Baraha Bulshada Qabsaday oo Geesi Noqday Wiilkii Ukunta #EggBoy

Will Connoly oo ah 17 jir ayaa waxa uu qabsaday baraha bulshada kadib markii uu ukun madaxa kala dhacay mid kamid ah xisbiga midigta fog ee Baarlamaanka Australia.

Xildhibnaan kaan oo rabay in uu ku eedeeyo Muslimiinta iyo soogalootiga wixii kadhacay New Zealand ayaa waxaa udul qaadan waaye kadibna waxa uu madaxa ugu dhuftay Ukun fuunto ah.

Waxaa baraha bulshada gaar ahan Twitter ka qabsaday halkudhiga Wiilkii ukunta #EggBoy.

Muuuqaal laga duubay ayaa baraha bulshada lagu faafiye waxaana ka falceliye dad aad ufaro badan waxaana lagu tilmaamay “Geesi” neceb cunsuriyadda.

Will Connoly ayaa dhigay xabsiga kadibna waa lasiidaaye markii lagu waaye wax danbi ah.

Hadalka Xildhibaanka waxaa sidoo kale cambaareeye Raysal wasaaraha Austraalia.

Wiilkaan ayaa bartiisa Twitter ka waxaa uu kuhelay taageerayaal faro badan kadib ficilkii uu sameeye waxaana lagu dhiiro galiyay in uu qaaday tilaabo loo baahnaay.

Shabakaddla lacagaha deeqaha ah lagu aruuriyo ee GoFundMe ayaa loofuray wiilkaan waxaana lagu aruuriye mudo yar gudohood lacag dhan $30,000 ( sodon kun oo doolar) waxa uuna wiilkaan qorsheynayaa in uu ugu deeqo dadkii wax yeelada kasoo gaartay weerarkii New Zealand.

Waxaa sidoo kale lafuray shabakadda Change.org waxaana lagu dalbanayaa in xildhibaanimada lagala naqdo ninkii hadalka guracnaay kasoo yeeray waxaana ilaa hadda sixiixay inkabadan hal malyan oo qof.

Arimaha Bulshada