Wakhti ka mid ah xiliyadii awood xoogan oo dhinaca siyaasada iyo ciidanka ay laheyd dawlada soomaaliya ayaa waxaa dhacday in wafdi ka socda soomaaliya ay socdaal ku tageen dalka Zambia.
Wafdiga waxaa hogaaminayey Genaraal Maxamed Sheekh Cismaan oo ka mid ahaa saraakiishii dhaliyey xukuumadii kacaanka dhawr marna ka mid noqday golaha wasiirada mudo dheerna ahaa wasiirkii maaliyada.
Wakhtiyadaas waxaa jirtey in dalka koonfur afrika ay aad ugu xooganayaan midab kala sooca si xun ayaana loo bahdili jirey dadka madow ee dalkaas u dhashay iyadoo xukunka ay hayeen tiro yar oo cadaan ah.
Dalka Zambia xukuumadii ka jirtey ayaa iyadu waxa ay taageero xoog leh siin jirtey ururkii ANC ee la dagaalami jirey xukuumadii cadaanka tirada yar ay maamulayeen ee ka dhisnayd dalka Koonfur afrika sidaa darteed xiriirka labada wadan ee Zambia iyo Koonfur afrika aad ayuu u xumaa.
Maalmo ka hor intii uusan tegin dalka Zambia wafdiga ka socday soomaaliya ayaa waxaa dhacday in dayuurado dagaal oo ay leedahay Koonfur afrika ayaa kusoo xadgubay hawada Wadanka Zambia iyagoo si weyn uga digaya hadii aysan joojin taageerada ay siiso ururka ANC in ay duqeyn doonto.
Wafdigii soomaaliya ka socday markii ay tageen dalka Zambia ayaa waxaa saxaafada la hadlay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan waxaana isagoo ka jawaabaya daan daansiga ay waday xukuumadii koonfur afrika uu yiri sidan:
Soomaaliya uma dulqaadan doonto xad gudubyada ay wado koonfur afrika iyo weliba handadaada iyo cago jugleynta ay ku hayso dalka aan walaalaha nahay ee Zambia waxaana dawlada soomaaliya ay qaadi doontaa talaabo ay ka shaleyso koonfur afrika.
Hadalkaas markii soomaaliya ay jeedisay dib uma ay dhicin in Koonfur afrika ay kusoo xad gudubto dalka Zambia.
Waa iska xaal aduune maanta sidaas xaalka waa ka duwan yahay dawlado soomaaliya ka baqi jirey ama ka cabsan jirey ayaa haatan handadaya oo doonaya in dhulkooda iyo badooda ay qaataan.
W/Q: Abdikadir Mohamed Ibrahim.
Waxa kaliya ee nawada deeqo waa qarannimo hadii aan isku imaano oo katashano aayaheena iskana qabano midka nagu dadka ah sidookalana ah shisheeye kalkaakla waa soo ceshan karnaa qabkii iyo qaranimadii umadda Soomaaliyeed.