Warbixin: Wadamada Qarka Usaaran in ay Nukliyeer Sameystaan!

Warbixin: Wadamada Qarka Usaaran in ay Nukliyeer Sameystaan!

Dalal badaan ayaa leh barnaamijyo tamarta Nukliyeerka ah si ay usiiyaan tamar muwaadiniintooda inta badan, sikastaba ha ahaatee maheestaan hadana keydka hubka Nukliyeerka.

Horumar la’aanta hubka Nukliyeerka ee wadamo badan oo aduunka kuyaal waxaa loo aaneeyaa heshiiskii Nuclear Non-Prolifaration Treaty (NNPT). Heshiiska ayaa sheegaya in wadamada heesta Hubka Nukliyeerka ahi ay sii wadi doonaan, ayna diirada saarayaan hub kadhigista, halka kuwa aan heesana hubka nukliyeerka ayna isku dayin in ay hormariyaan ama soo iibsadaan.

Tan iyo markii lasaxiixay heshiiska 40 sano kahor, Sayniska iyo Tiknoolajiyada ayaa dhanwalbo horumar kasameeye, wadamo badan hadii ay rabaana way hormaarin karaan tamarta nukliyeerka, hadaba waxaa halkaan ku soo gudbeynaa waakuma wadamada sida dhaqsaha badan kusameysan karo hub Nukliyeer ah.

Taariikhda Horumarinta

Iyadoo aan laheyn dhirta tamarta nukliyeerka iyo Tiknoolajiyo casri ah ayaa hadana wadamo badan horay u sameysteen, waxayna maanta kuraaxeysanaayaan heesashada Hubka Nukliyeerka ah, tusaale Midawgii Suufiyati waxay kuqaadate kaliya 4 sano in uu sameysto Nukliyeer.

Faransiiska waxa ay kuqaadatay kaliya 2 sano in uu sameysto, halka Hindiyana kusameysatay 7 sano. ayadoo macluumaad iyo tiknoolajiyo casri ah laheysto ayaa hadana laleeyahay waxay ku qaadan kartaa hada in uu sameysto wadan Nukliyeer celcelis ahaan 5 sano, waa wadamada hormaraye.

Yaa hadda sameysan karo marka?

waqtigaan xaadirkaa wadamada awooda u leh, laakinn aan heeysan nukliyeer balse dhaqsi kusameysan karo waa japaan iyo Jarmalka.

Labada wadan ayaa si firfircoon uga shaqeeya sayniska nukliyeerka iyo tiknoolajiyada, sidoo kale khibradaha ay kaleeyihiin aqoonta sameynta nukliyeerka ayaa aad u sareyso, labaduba waxay hormarin karaan hubkooda nukliuyeerka waqti gaaban hadii ay rabaan.

Inkastoo uu jarmalku heesto Lacag cadaan ah, Shaqaale aqoon leh, iyo helitaanka tiknoolajiyada ugu casrisan aduunka, Japan ayaduna waa horyaalka tiknoolajiyada.

Maqaalo