Shirkad kutaalo Gobal kamid ah gobalada dalka Mareekanka ayaa waxa ay ubaahatay in ay shaqaaleyso qof yaqaan culuumta Tignoolagiyada iyo horumarintooda.
Ninka
ujoogay qeybta shaqaaleysiinta shirkada ayaa waxa uu maamulaha guud ee
shirkada usheegay in uu yaqaan gabar kunool isla gobalka ayna tahay
tan kuhaboon booskaan.
Sally oo
ah gabadha uu sheegay madaxa shaqaaleysiinta shirkada ayaa ah gabar
aqoon sare uleh shaqadaan heesatana shahaadada darjada ‘A’ laakiin
gabadhaan waa xaas waxa ayna rabtaa in ayada iyo ninkeeda ay kawada
shaqeystaan gobalkaan islana joogaan.
Mike oo ah ninka qabo Sally waxa uu darajada ‘C’ kawataa Marketing ama suuqgeynta waxa uuna leeyahay qibrad ah ciyaarta basketball ka, lakiin shirkadaan uma baahno qof Marketing ah, kaliya waxa ay ubaahantahay hal boos taas oo ay u arkan in Sally tahay qofkii buuxi lahaay lakiin Sally ay latimid shuruud ah in ninkeedana shaqo looraadiyo waayo ayadu way isku kalsoontahay waxayna ogtahay ineyna shaqo weyneen marnaba.
Maamulaha guud ee shirkada ayaa ku qasbanaaday in uu labadooda wareysi kaqaado waa Sally oo ah qofka shaqada banaan usharaxan iyo Mike oo ah ninka qabo Sally laakiin aan loobaahneyn balse ay qasab tahay in shaqo uun loo helo, waresigii waxaa kasoo baxay in ay Sally soobandhigtay wixii loobaahnaay laakiin  Mike uusan heysan qibrad aad usii dheer.
Shirkada
oo ubaahan in ay shaqaaleyso Sally laakiin aan boos uheyn Mike arinkana
isku cakiranyahay ayaa Shirkad kale oo wax xayeysiiso kunataalo isla
gobalka waxa ay ubaahatay qof ushaqeeyo, nasiib wanaag shirkadii ayuu
Mike shaqo kahelay, Sally ayadana shaqadeedii ayay bilaawday.
Sally ayaa soo bandhigtay waxqabad dheeraad ah waxaana ladalacsiiye labo mar ayadoo lagu dhiiro galinaayo, sidookale Mike ayaa asna soobandhigay waxqabad fiican waana ladalacsiiye, laakiin dhibka jiro ayaa ah Mike waxaa lagu yiri in markale dalacsiinayo mushaarkana loo kordhinayo, laakiin waa inuu kashaqeyso xafiis kuyaalo gobal kale asna waa uu aqbalay.
Sally oo rabto in ay ayada iyo ninkeeda isku meel kawada shaqeeyaan si ay ugataan guri ayaa subixii danbo utimid maamulaha ugu sareeyo shirkada una sheegtay in ey katageyso shaqada waayo waxa ay raaceysaa halka uu ninkeeda aadayo waxa ayna usheegtay maamulaha in ay shaqadeeda kadoorbideyso mida uu nikeeda helaayo, waxa ayna usheegtay shirkada in ay siiyaan ninkeeda shaqada uu hada heesto mid udhiganta ama iska fasaxaan, laakiin shirkadaan umabaahno in ay qarash badan kugasho qof aysan ubaahneen.
Ugu danbeeys Sally ayaa uhurtay waxwalbo ninkeeda si uu uhelo shaqo fiicaan.
hadaba marka ay intaas mareyso adiga akhristow maxaa sameyn leheed hadaa ahaan leheed maamulaha guud ee shirkada?
Mahadsanid.