Timirta waxa ay kamid tahay miraha lacuno kuwa ugu fiican waxaana laga helaa faa’iidooyin badan oo u fiican jirka.
Daraasad lasameeye ayaa lagu ogaade in Timirtu u fiicantahay qeybaha kala duwan ee Jirka, sidoo kale ay aad ugu fiicantahay caafimaadka qofka jookteeyo cunideeda.
Hadaba hadii aad cunto 2 laf oo timir ah mudo isbuuc ah, maxaa iska badalaya guud ahaan qeybaha kala duwan ee jirka jirkaaga?
hadii aad jookteyso cunidda 2 mir oo timir ah jirkaaga waxa uu heli doonaa Tamar fara badan oo aad wax badan ku qabsan karto.
Waxaa ay hoos udhigi doontaa heerka Kolastarolka ( cholesterol level ) e jirka.
Marinka cunto burburinta ee jirka kaas oo ka bilaawdo Afka siina maro caloosha ilaa mindhicirada kala duwan waxa uu ushaqeyn doonaa ama cuntada u burburin doonaa sida ugu fiican.
Cadaadiska Dhiiga ( blood pressure ) waxa uu noqonayaa mid isu dheeli tiran, hadii aad joogteyso cunida 2 laf oo Timir ah maalin kasto.
Araga qofka joogteeyo cunida 2 laf oo timir sidoo kale wax badan ayaa iska badalaya.
Lafaha qofka waxa ay noqonayaan kuwo aad uadag, sidookale Maskaxda ayaa ushaqeyneeso si wanaagsan.
Hadaba waa muhiim cunida timirta waxaana laga heli karaa faa’iidooyin intaa kabadan, waan miro raqiis ah hadana leh muhiimad dheeraad ah.