Warbixin: Si Fudud Ku Yeelo Six Pack Adiga Oo Gurigaaga Joogo, Uma Baahnid Gym

Warbixin: Si Fudud Ku Yeelo Six Pack Adiga Oo Gurigaaga Joogo, Uma Baahnid Gym

Warbixin: waayahan danbe waxaa si aad ah loo xiiseynaye in qofwalbo uu naqdo jir ahaan qof dhisan lehna SIX PACKS hadaba adigoon aadin Gym si fudud kuyeelo Six packs adigoo raacaya tilmaamaha iyo talooyinka soosocda.

Waa muhiim in qofku uu jir ahaan dhisnaado taas oo caafimaadkiisa ay u roontahay hadana ogoow marwalbo oo rabto in aad jirkaaga dhisto waa in aad heysato ama cunto cunno kugu filan, kahor intaana ugalin 5ta qodob waa in aan wax ka ogaano cuntada ladoonayo in lacuno

Cuntada Larabo in Qofku uu cuno

hadii aad rabto in aad dhistid jirkaaga waa in aad cuntaa cunooyinka sida:
a) Hilibka qaar sida doorada ama malaayga
b) Cunooyinka ay kubadantahay Protein ka sida Ukunta
c) Sidoo kale qudaarta waa in aad cutaa gaar ahaan mooska iyo Qaraha
waxaa kale oo muhiim ah in aad cunto cunooyinka qolofta leh sida: Galeyda, Digirta iyo looska.

Cuntooyinka aan lacuneyn

Hadii aad rabto in aad dhisto jirkaaga yeelatana Six Packs kadhaqaaq cunooyinka La warshadeeye, kuwa gasaceysan Kuwa macmacaanka sida Jalaatada iyo Doolshaha sidookale cunooyinka fudfudud

Biyaha

Hadii aad cabto maalinkasto 2.5 Liters oo biyo ah waa iska caadi sidoo kalena waxaa larabaa in aad cabto Galaas weyn oo biyo ah ama Shaaxa cagaaran kahor Cuntada.

5ta Qodob ee aad sameyneeso Si aad u hesho Six pack Adigoo gurigaaga joogo oo aadan u baahan Gym!!

1: Crisscross
crisscross
Nuucaan waxa sameynee adiga oo madaxa kor uqaadayo sidoo kalana lugaha kor uqaadayo waxaana isdhaafsiihee lugahaaga mudo 30 ilbiriqsi ah adiga oo dhulka dhigeyn
nuucaan waxa uu si gooni ah udhisayaa qeybta ay iska galaan feeraha Murqaha dul saaran
qaabkaan waa qaabka ugu adag in lasameeyo waxa uuna leeyahay muhiimad gaar ah.
2: Crossover Crunch
crossover
Nuucaan waa qeyb kale oo aad u muhiim ah waxa aad sameyneesaa sida sawirka kamuuqato muddo 30 ilbiriqsi ah lug kasto waxa ay dhiseysaa murqaha kore ee xabadka.
3: Crunch
crunch
Qaabkaan waa Qaabka 3aad waa qaabka ugu fudud oo lasameeyo waxaa sameyneesaa 30 ilbiriqsi waxa uu muhiimad uleeyahay murqaha sare ee xabadka

4: Flutter kicks

flutter
Qaabkaan waxa uu kadaba dhawyahay qaabka 1aad kaliya waxa uu ugu duwanyahay lugaha ayaa kor lageyhaa ayada oo madaxa dhulka laga qaadayo sida kamuqato Sawirka waxa uu muhiim uyahay dhamaan murqaha xabadka.

5: Heel Touch

heel%2Btouch
waa Nuuca ugu danbeeyo waxaa sameyneesaa hal mar ayaad cirbaha soo taabaneysaa labadaads gacan waa qaab aad umuhiim ah waana qodobada aan soo sheegnay lugaha ayaad iska yara dhaqaajineysaa kadib madaxa ayaa sifiican kor ugu soo qaadeysaa adiga oo taabanaayo cirbaha.
Hadii aad heyso Warbixino bulshada waxtar uleh Noogu Soodir Daraasad19@gmail.com
Arimaha Bulshada