Gaari Dameerka ayaa mah mid kamid ah gaadiidka lagu daabulo alaabaha fudud, waxaana in mudo ah laga isticmaalaye Gayiga Soomaaliyeed.
Qoysas badan ayaa waxa ay nolol maalmeedka kahelaan Gaari Dameerka, waxaana jirtay xili uu ahaa gaari Dameerku midka ugu badan ee lagu daabulo alaabaha, waloow ay waayadaan danbe ay suuqyada ku soobateen gawaari yaryar oo qaado in ta uu gaari Dameerku qaado iyo in kabadan.
Qiimaha ay gawaaridaan alaabta ku qaadan ayaa lamid ah kan gaari dameeradu ku qaadan, taas oo sababtay in hoos udhac ama shaqo yari ku timaado gaari Dameerka.
Hadaba Su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah Ma helaan Dameerada daryeel Wanaagsan? Ma lagu qaadaa alaab tankooda ah? Ma la iska warsadaa wadada uu maro Gaari Dameerka marka uu alaabta sido?
Waxaa macquul ah in uu Dameerku shaqeeyo maalinkii 10 saac oo xiriir ah asiga oon heleyn fursad nasiino ah, sidookale inta uu shaqada ku jiro waxba lama soonaayo oo waxaa afka ugu jirto bir ( Liijaan ) inta badana lagama furo ilaa laga geeyo xeradiisi.
Markii alaab lagu qaadi tago la iskama warsado meeqo kilo ayuu qaadi karaa?
Waa muhiim in la ogaado inta kilo uu qaadi karo dameerku halkii mar, waxaad arkeysaa mararka qaar gaari Dameer urararn six ad dhaaf ah, xiiqayana, sidookale korkiisu uu kabaxaayo dhidid waxaana taas usii dheer in ul gadaal looga garaacayo hadii uu xawaaraha socodka gaabiyo.
Wadada lamaraayo waa sidee? Maxaa yeelay inta badan wadooyinka magaalada waxaa weli kamuuqdo burburkii dagaalada sokeeye, taas ayadoo jirto ayaa hadana arkeysaa gaari Dameer urararn six ad dhaaf ah lana marsiinayo god iyo buur intaba.
Intaas waxaa usii dheer Dameerku markii uu duqoobo ama tabardareeyo waxaa dhacda in la iska fasaxo magaaladana lagu daayo sidaasna uu kuwaayo xuquuqdiisii.
Hadaba ma ahan kaliya in lagu eegto qofka wado gaari Dameerka, waa sax qofka waxa uu karabaa nolol maalmeed, laakin hadana waxaa in marwalbo la dareensiiyo waxa uu wado in ay yihiin nafleey ubaahan daryeel.