TIKTOK waa App loo Isticmaalo in lagu duubo Muuqaalo gaagaabn oo ah 1 daqiiqo iyo wax kayar, waxaa lagu Isticmaalaa Moobilada kushaqeeyo Android Sida Samsung iyo kuwa lamid ka ah, sidookale waxa uu ku shaqeeyaa IOS sida iphone oo kale.
Waxaa Shaaca laga qaaday TIKTOK Bishii 9aad sanadii 2016 kii, Shirkadda ayaa gudaha Shiinaha kaliya ka shaqeyn jirtay kahor inta aan lagu darin Shirkadda Msical.ly.
ByteDance oo ah Shirkadda Isku leh Tiktok iyo Musical.ly ayaa Go’aansatay in ay mideyso labada shirkad, Bishii 8aad sanadii 2018 kii ayuu TIKTOK si rasmi ah u soo baxay dunidanana Ku faafay.
APP kaan ay hada dadku sida aadka ah u isticmaalaan ayaa sameeye koriinsho ama macaamiil farabadan waqti kooban, waxa uuna siweyn uga gadmay gudaha Mareekanka oo lasheego in Mareekanka kaliya uu ku dhax leeyahay 100 Milyan oo macaamiil kuwaas oo Si joogto ah u isticmaalo TIKTOK.
Halkaan ka Akhri 10 Xaqiiqo oo TIKTOK Ku Saabsan!
1) TIKTOK Waxaa Si Joogto ah u Isticmaalo Hada 800 Milyan oo Qof.
In ay 800 Milyan oo qof ay Isticmaalaan TIKTOK waxay ka dhigantahay in uu kaalinta 7aad kagalo Guud ahaan aaladaha lagu isticmaalo baraha bulshada, wax uu asigoo 3 Sano kaliya jiro ka hormaray aaladaha kala ah: LinkedIn, Twitter, Pinterest, and Snapchat ayo kuwo kale.
Xogtaan oo ay Daabacday (DATAPORTAL 2020) ayaa muujineyso in uu TIKTOK kusocdo Xawaare ayadoo sanadba kan kadanbeeyo ay Isticmaalayaasho sii siyaadayaan.
2) Waxaa lala dagay 2 Bilyan oo jeer!
Tiktok ayaa lagalala dagay App Store iyo Play Store in kabadan 2 Bilyan oo Jeer, Cilmi baarayaasha xaga Tiknoolajiyadda ayaa sheegayay in Xawaaraha uu kusocdo TIKTOK aysan jirin wax hor Istaagi kara.
Kaliya 3da bil ee ugu horeyse 2020ka waxaa ladagay APP kaan dad gaarayo Qiyaastii 315 Milyan oo Qof.
3) Waxa uu Noqday APP ka loogu dagsashada Badanyahay dhanka APP Store ka.
Sanadii 2019 ka Waxaa App Store ka lagala dagay mudo 3 Bil ah kaliya in kabadan 33 Milyan oo jeer, waxa uu halkaas ku garaacay ama uga saro maray FACEBOOK, YOUTUBE iyo Kuwo kale.
Sidookale Shirkadda Apple ee leh APP Srore ka ayaa sheegtay in uu mudo 15 Bil ah uu TIKTOK ahaa APP ka ugu dagsashada badan Guud ahaan APPs ka kujiro APP Store.
4) TIKTOK Waxa uu Lawareegay Intabadan Dhalinyarada Dunida Kunool.
Dadka isticmaalo TIKTOK waxaa lasheegaa 41% in ay Da’ ahaan u dhexeeyaan 16 ilaa 24 jir.
Shirkadda Global Web Index ayaa 2019 kii Cilmi baaris ay sameyse ku xaqiijisay in ay TIKTOK aad u Isticmaalaan Dhalinyarada, ayagoo waqti farobadan kubixiyo isticmaalka APP kaan marka loo eego kuwa kale.
5) TIKTOK Iyo 3da Wadan ee Aduunka Ugu Dadka badan.
TIKTOK ayaa suuq Fiican ka heysatay wadanka Hindiya kahor intii aanan laga mamnuuciin Suuqaas, 611 Milyan oo jeer ayaa lala dagay APP ka TIKTOK waxa ayna taas muujineysaa in Hindiya ay tahay Suuqa TIKTOK Ugu Fiicnaa.
Shiinaha ayaa noqday Dalka 2aad ee aadka loogala soodagay TIKTOK, waxaana lasoo dajiyay in gaareyso 196.6 Milyan ee jeer, halka Mareekanka uu asna noqday dalkii Sadaxaad waxaana lala soodagay kaliya gudaha dalka Mareekanka 165 Milyan ee jeer.
6) Waqtiga Uga baxo Dadka isticmaalo APP kaan TIKTOK
Celcelis waqtiga uga baxo dadka isticmaalo APP kaan ayaa lasheegaa in uu yahay 52 Daqiiqo Maalinkii, Sida ay ku hadashay Shirkadda (BusinessofApps, 2019) walow Xogtaan ay tahay tii Sanadkii hore ee 2019 ka hadana marka loo fiirsho Isticmaalka TIKTOK sida uu ku socdo Maanta waxaa lasaadaalinayaa in ay intaas kasii badantahay.
7) Meeqo Wadan ayuu TIKTOK Ka Shaqeeyaa?
Cilmi Basaris ay Sameyse Shirkadda Apptrace, 2019 kii waxa ay xaqiijisay in TIKTOK laga isticmaalo 155 dal, Sidookale waxaa lagu isticmaalaa 75 Luuqadood.
8) 10 Kii Qof 9 kamid ah Si Joogto ah ayay U Isticmaalaan TIKTOK!
Dadka Isticmaalo TIKTO ayaa 90% waxa ay si joogto oo Maalinle ah u Isticmaalaan TIKTOK ayagoo APP ka dhowr mar ku soo laalaabto, sidoo kale 68% dadkaa waxa ay daawadaan Muuqaalo ay dad kale Soo galiyeen, halka 55% ay ayagu Muuqaalo soo dhigaan ayagoo iska duubaaayo ama kuwo kale soo galinaayo, waxaa xogtaan daabacay Global Web index sanadii 2019 ka.
9) Dadka Waaweyn oo Kusoo badanaayo Isticmaalka TIKTOK
Kaliya Dalka Mareekanka Cilmi Baaris laga sameeye ayaa lasheegay in Isticmaalka dadka waaweyn ee TIKTTOK soo siyaadeyse.
10) Celcelis Inta jeer ee la Daawado Muuqaalada
Marka laga hadlaayo inta jeer ee ladaawado muuqaalada lasoo galiyo TIKTOK waxaa celcelis ladaawadaa maalinkii hal bilyan ee jeer dhamaan Muuqaalada kujiro aaladaan TIKTOK.
W/Q Abdullahi Arbaca