Qisadii Dhaxmartay Ganacsadihii Reer Yaman ee Rabiic Iyo Ninkii Soomaaliga Ahaa!!

Qisadii Dhaxmartay Ganacsadihii Reer Yaman ee Rabiic Iyo Ninkii Soomaaliga Ahaa!!

Nin Soomaali ah ayaa tagay dalka Yaman waxa uuna Shaqo kahelay Shirkad lagu magacaabo Rabiic, waxa uu ka noqday Xamaali, maalin kasto waxaa lageeyaa Bakhaar ay irida hore ugu qorantahay RABIIC halkaas ayuuna ka shaqeyn jiray.

Sida Caadiga ah inta badan qofka Soomaaliga ah waxaa u dhaqan ah in uu ku heeso marka uu qabanaaayo Howl adag sida marka uu Xoolaha biyaha Siinaayo ama uu Shaqo Xamaali ah Qabanaayo, Heestaas ayaana noqota mid ka turjumeyso nooca howsha laqabanaayo.

Ninkii Soomaaliga ahaa ee ka shaqeunaye bakhaarada Shirkadda Rabiic waxa uu Sameeystay Hees yar oo carabi ah oo uu ku luuqeeyo marka uu shaqada qabanaayo.

Heesta ayaa waxa ay tahay sidatan ”Laa Yastariixu Ilaa Rabiic” oo ah jumlo carabi ah Macno ahaana Noqoneyso marki Soomaali laga dhigo “Nasiino ama Raaxo majirto marka laga reebo Rabiic”.

Maalin maalmaha kamid ah asigoo shaqadii kujiro ninkii Soomaaliga aha oo Xamaalanaayo Heestiina ku luuqeynaayo ayaa waxaa Yimid Ninkii Rabiic la dhihi jiray oo gaari lagu wado waxa uuna arkay ninkaan Soomaaliga ah oo ku luuqeynaayo Heesta Rabiic u khaaska ah.

Rabiic ayaa dalbaday in ninkaan Soomaaliga ah maalin loo casuumo, Ninkii Soomaaliga ahaa ayaa arinkii loosheegay waana Aqbalay Casuumaadii uu Rabiic ufidiyay, balse maxaa dhacay markii uu ninkii Soomaaliga ahaa lakulmay Rabiic!?

Ninkii Soomaaliga ahaa ayaa lageeyay Guri dabaq ah oo aad u dheer, Gurigii meesha ugu sareyso markii lagaarauy ayuu lakulmay ninkii Soomaaliga ahaa Jawi aad u quruxbadan, iyo cunto nooc walbo leh oo ladiyaariyay, Cunadii ayaa ninkii Soomaaliga ahaa lagu soo dhaweeye,Markii uu Cunadii inta uu ka cuni karay cunay ayuudalbaday in uu lakulmo marka hore Rabiic.

Rabiic ayaa uyimid ninkii Soomaaliga ahaa, hada ogaaw rabiic waa nin waayeel ah, ninkii Soomaaliga ahaa ayaa markale ku celiyay aaway Rabiic? waxaa ujawaabay ninkii odayga ahaa waxa uuna ku dhahay Rabiic waa aniga kula hadlaayo! Ninkii Soomaaliga ahaa ayaa aamini waayay in uu Rabiic yahay ninka ay ka muuqato duqnimada iyo xaalada uu ku suganyahay oo aheyd mid aan lasuureyn karin.

Rabiic ayaa ku usheegay ninkii Soomaaliga ahaa in waxa haayo aysan aheyn Duqnimo ama waayeelnimo balse ay yihiin Xanuun, Rabiic xanuunka haayo waxaa waaye in uu ka maqanyahay Dhadhanka oo uusan kala garaneyn waxa uu cunaayo nooca dhadhan ay leeyihiin.

Rabiic ayaa sheegay in uu cuno kaliya Mushaari, halka uu kudhahay ninkii Soomaaliga ahaa adigu waxaad cuneysaa noocwalbo ee cuno ah halka aniguna aan cuno kaliya Mushaaridaas, waxa uuna Rabiic ka dalbaday ninkii Soomaaliga ahaa in uu qaato hantidiisa oo idil asigana uu ku wareejiyo kaliya dhadhankiisa ama dareenka Dhadhanka.

Dareenka dhadhanka ma ahan wax uu qof qofkale ku wareejin karo ee waa nimco uu Rabi inasiiyay, Ninkii Soomaaliga ahaa oo yaaban ayaa ku laabtay Shaqadiisi waxa uuna bilaabay in uu heestii uu ku luuqeynaye wax kabadalo waxa uuna markaan dhahay  “Laa yastariixu Xataa Rabiic” oo ah Raaxo majirto xataa Rabiic.

Ujeedka Qusadaan ayaa ah in qofkasto is leh qofkale ayaa kaa nolol fiican in laga yaabo in uu qofkaas ka nolol adag yahay, Sidookalana qof walbo uu kuqanco inta yar ee uu heesto.

 

Maqaalo