Maxaa kajiro in lacag laga sameeyo Telegram ayadoo la Share gareynaayo Link? Majiraa Qof Lacag kasameeye? Waa Maxayse Ujeedka kadanbeeyo?
Su’aalahaan ayaan ugu jawaabeynaa halkaan.
Hadii laguu soodiray link ama adigu aad dirtay Link Telegram ah adigoo kujiro Group Telegram ah, majiro wax lacag ah oo aad heleyso, hadaba in ay waxaani wax ba kajirin waxaan kula wadaageynaa xaqiida waxa aan sheegeyno, Waxaan halka ay ka yimaadeen, iyo Ujeedka Kadanbeyso.
Shirkadda Telegram ayaa u aqoonsan hanaankaan mid Mid Khiyaano ah ( SCAM), dadkana lagu lug gooynaayo, waxaa jiro Guruubyo Caalami ah oo Shirkadda Telegram u aqoonsatay Khiyaano kuna calaa meyse, Fiiri Sawirkaan:
Sida kamuuqato Shirkadda Telegraam ayaa u aqoonsatay Hanaanka looyaqaan Earn Money in Paypal mid Khiyaano ah ama SCAM ah, hadaba hanaankaan iyo Midka Paypal Somalia iyo Hormuud Paypal maxay isaga mid yihiin?
waa isku shaqo iyo nashqad iyo si ayayna ushaqeeyaan oo waxaa la SHARE gareynayaa link, ayadoo halkii mar lagu dhahaayo waxaad heleysaa lacag, mana ahan wax sax ah.
Qaabka ay isugu egyihiin ka fiiri sawirada hoose:
Hormuud Telecom Maxay ka dhahday?
Sida kamuuqato Xogtaan waxaa lasheegay in ay HORMUUD ku soo biirtay arinkaan, hadaba Maxay ka dhahday Shirkada Hormuud arinkaan?
Fiiri Sawirada Hoose ee ah Suaasha iyo jawaabta laweydiiye Hormuud.
Sida kamuuqato 2da Sawir ee kore HORMUUD waa iska fogeyse waxa kan been abuurka ah, ayadoo bulshada ugu baaqday in aanan lagu kadsoomin.
Waxa kuu sheegayo Haraagaaga, Qaabk aad lacagta u sameysaneeyo, iyo Sida aad ula bexeyso oo intaba ah been aan waxba kajirin waa BOT?
BOT waa borogaraam Kombuuter ah oo dadka u jawaabo, laguna borogaraamiyo xogta uu dadka ugu jawaabayo, waxaa isticmaalo tusaale Telegram, waana waxa ku la hadlaayo marka aad weydiiso Haraaga iyo waxa lamid ka ah.
Maxay Tahay ujeedka Waxaan?
Ujeedka ayaa ku kooban 2 arin oo kala ah, in Group ka Telegram ka ay ku soobiiraan dad badan, iyi in Youtube Subscription loohelo.
hadii aad kamid tahay dadka kubiiray Groups kaan ogaaw waxaad ku daali doontaa links aad SHARE gareyso adigoo aanan heleyn wax lacag ah ugu danbeyn.
Xogtaan lawadaag Asxaabtaada.