Waxaa Maalmahan danbo baraha bulashada oo ay Soomaalida ku xiriirto kusoo batay kahadalka Yoga taas oo laga xusay qeybo kamid ah Soomaaliya.
Waxaa marqura lagu arkay baraha bulshada sawiro laga sooqaaday xuska maalinta caalamiga ah ee Yoga taas oo laga xusay qeybo kamid ah Soomaaliya, islamarkiiba waxaa kadhalatay in su’aalo laiska weydiiyo yoga maxay tahay? sidookale halkee ayay inaga soogashay.
Dadbadan badan ayaa mucaaraday, halka kuwa kalana ay kasoo qaadeen wax caadi ah oo aan micno gooni ah laheyn, hadaba yaan war kugu daaline Yogo Maxay tahay asal ahaanteeda? Goorma ayayna noqotay caalami? Waa maxay ujeedka kadanbeeyo?
Waa Maxay Yoga?
Yoga waa jimicsi jireed lasameeyo asal ahaana ka soojeedo dhaqankii hore ee Hindiya, sidookale Yoga waxa ay qeyb katahay lixdsa tiir oo ay kudhisantahay hinduuga, waana jimicsi salka kuhaayo arimo laxiriira diin.
Waxaa jiro iskuulo iyo goobo badan oo jirdhis taas oo lagu sameeyo ciyaar dhaqmeedka Yoga ayadoo ujeedkana lagu sheego in uu yahay jimicsi, laakiin sida saxda ah ay tahay ujeedadu fikir ama ciyaar dhaqameed Hindiya ugaar ah taas oo salka kuheyso diin.
Goorma ayay Caalami noqotay Yoga?
27kii Sebteembar 2014, khudbad uu kajeediye qaramada midoobe reysal wasaaraha daalka india waxa uu kaga hadlay ciyaarts Yoga asigoo ku xeeldheeraaday kana gaday caalamka.
Yoga waxaa lahorgeeye qaramada midoobay 11 diseembar 2014, waxaana codka kalsoonida siiyay taageerana umuujiye 177 xubin.
Taariikhdu markey aheyd 21 ka june 2015 waxaa markii ugu horeesay si heer caalami ah looxusay ciyaar dhaqameedka Yogo waxaana maalinkaas loo aqoonsaday ciyaar dhaqameedkii diinta salka kuheysay ee yoga in ay noqoto ciyaar caalami ah oo sanadwalbo maalinkaas ookale laxuso.
Wixii ay soosocotaba ciyaar dhaqameedka Yoga waxa ay soogaartay Soomaaliya sandakaan 2019 ka waxaana marqura la arkay ayadoo lagu xisaayo gayiga soomaaliyee.
Yogo Iyo Jimicsi
Yogo waa Jimicsi, jimicsiguna waxa uu ufiicanyahay jirka, laakiin yoga waxa asy salka kuheysaa oo uu hadafkeedaba yahay arimo diineed, mana haboono in bulsho dhan oo dhawan iyo diin leh lagu marin habaabiyo ciyaar dhaqameed, waxaana jiro jimicsiyo kabadan yoga oo uu qofku gurigiisa kusameysan karo.