Waa Kuma Wadani? Waa Maxayse Wadaniyaddu?

Waa Kuma Wadani? Waa Maxayse Wadaniyaddu?

Waxaa marwalbo dhagaheena ku soodhaco ama aan maqalnaa erayo ah hebal waa wadani, hebal ma ahan wadani iyo kuwo kale oo badan, hadaba waxaa maqaalkaan ku eegi doonaa si aan ugu jawaabno su’aalahaan Waa kuma wadani? waa maxayse wadaniyad?

Waa Kuma Wadani?

Wadani waa qofka si dhab ah u jecel dalkiisa, sidookale aanan u ogoleyn waxkastoo dhibaato ku ah dalkiisa, dhowrana dhaqanka, luuqadda iyo taariikhda.

Wadani Maloo dhashaa, Mase waa la iska dhigaa?

Waxaa su’aashan horay ugu jawaabay heestii oraneyse: ” Maloo dhashaa wadanii, mase waa la iska dhigi karaa wadani? waa loo dhashaaye sideebaa la iskaga dhigi karaa wadani”.

Wadani la iskama dhigi karo ee waa loodhashaa, majiro aduunka qof aan wadan laheyn qof walbana waxa uu wadani uyahay dalka uu udhashay uu dhaqan iyo luuqad ahaan uu kasoo jeedo, laakiin waxaa jiro dad ku qaraabto shaatiga wadani oo sida taariikhda lagu haayo baal mugdi ah kagalay wadamadooda.

Wadaniga dhabta ah waa midka marwalbo helo ducada shacabkiisa waxaana loogu duceeyaa “wadaniga dhabta ah allow dhowr”.

Maxaa laga dhahay Wadaniyadda?

Wadaniyaddu in aysan aheyn wax sahlan waxaa laga qoray buugaa iyo maqaalo sidookale waxaa waxaa waxbadan kadhahay hogaamiyayaal iyo qoraayaal soomaray caalamka hadaan hal iyo labo kasoo qaadano Waxaa kamid ah:

Mark Twain oo ah qoraa Ameerikaan ah ayaa dhahay “Wadaniyaddu waa in aad taageerto oo jeclaato dalkaaga, sidoo kale waa in aad taageertaa dowladaada mara ay u qalanto”.

Oraahda qoraagaan waxa ay ina tusineysaa in wadankaaga uu marwalbo taageero kaarabo, sidookale in dowladaadu taageero kaarabto laakiin waa marka ay uqalanto taageeranimo.

Ron Paul oo isna ah qoraa iyo siyaasi ameerikaan ah ayaa dhahay “wadaniyadda saxda ah waa rabitaanka in caaqabad lagu noqdo dowladda, markii ay qaldantahay”!.

 

 

Maqaalo