Gabdho Walaalo ah oo Fikrad Ganacsi oo Cajiib ah Kasameyste Muqdisho!!

Gabdho Walaalo ah oo Fikrad Ganacsi oo Cajiib ah Kasameyste Muqdisho!!

Xafso iyo Qubra waa labo gabar oo walaalo ah, waxay ay layimaadeen fikrad ganacsi oo cajiib ah ayagoo maskaxdooda kasaaray in ay dalkaan kajirto wax layiraahdo shaqo la’aan.

Mohamed Deeyoo ayaa bartiisa Facebook soodhigay qormo uu uga hadlaayo qaabka iyo xaalada ay ku shaqeystaan gabdhahaan waxa uuna yiri sidaan:

‘Waxaa inta badan arkaa dhalinyaro badan oo ku nool Muqdisho oo ka dacwooda kana cawda shaqo la’aan, qaarkood baa xitaa soo dhameeyay jaamacado halka qaar kalena ay weli dhigtaan, waxey ka wada siman yihiin rajo xumo iyo niyad jab weliba qaar baa naftooda ugu hanjaba tahriib iyo ficilo kasii xun.

Balse laba gabdhood oo walaalo ah lana kala yiraahdo Xafso iyo Qubra ayaa la yimid fikir macquul ah oo waxey miis yar oo qurux badan dhigteen waddada ugu halista badan Caalamka ee Makka Al Mukarama iyagoo ku iibiya Cabitaano kala nuuc ah oo ay ka sameeyaan Fruits miraha ka baxa dalkeena.

Waxaa usii dheer iney jaamacad dhigtaan labada maalin ee Khamiista iyo Jimcaha si ay u dhisaan aqoontooda iyo horumarka noloshooda mustaqbalka, runtiina waa arin u baahan ku dayasho iyo dhiiri gelin.

Inaad shaqo raadisid waxaa ka wanaagsan inaad shaqo abuuratid intey doonto hala ekaatee, sababtuna waxey tahey ma jiro taajir ku dhashay isagoo malaayiin dhex jiifa marka laga reebo dhowr qof oo dhaxlay waalidkood.

Waxaan dhiiri gelinayaa, u hambalyeynayaa Xafso iyo Qubra abaayaal guuleysta ogaada inaad tihiin dhalinyaro iyo iftiinkii dalka, waxey ii tahey sharaf inaan arko halyeeyo sidiina oo kale ah waxaana rajeynayaa inaan idiin imaado, idinka iibsado cabitaanka kadibna idin iraahdo Mahadsanidiin ubaxii dalka”

Gabdhahaan walaalaha ah ayaa layimid karti dheeraad ah waxa ayna dadbadan oo shaqo la’aan kacabanaye udireen fariina ah in ay shaqo abuurtaan intey shaqo raadin lahaayeen.

Soomaaliya ayaa lagu sheegaaa in ay kamid tahay wadamada shaqo la’aanta ugu badan ay kajirto, waxaa kaloo lasheegaa in shacabka intiisa badan ay yihiin dhalinyaro.

Ganacsi