Tuug Xaday Taleefan Ayadoo La Dukanaayo Salaad!!

Tuug Xaday Taleefan Ayadoo La Dukanaayo Salaad!!

Masaajid kuyaalo Suuqa Bakaaraha ayaa waxa dhacday intii lagu guda jiray dukashada salaad duhur ah in uu Tuug xaday taleefan.

Inta badan Tuugada ayaa ka faa’iideysato Masaajidda ayagoo xado Kabaha inta lagu guda jiro Salaada, laakiin markaan waa kaduwantahay arinkaas oo waxaa laxaday Taleefan welib qaabka looxaday ayaa ahaay mid cajiib ah.

Waxaa lagalay dukashada salaada, markii lamaraaye rakcada sadaxaad ayaa tuugii oo kamid ahaa Jameecada Masjidka ku dukaneyse ayaa mar qura sameeye arin layaab leh.

Safka uu Tuuga kujiray safka kahoreeyo waxaa ku dukanaaye shaqsigii laga xaday taleefanka, qofka laga xaday taleefanka ayaa waxa uu taleefankiisa dhigay dhulka inta u dhaxeyso lugahiisa iyo halka u kusujuudayo.

Markii sujuuda lagaaray ayuu tuugii oo kudukanaaye safka danbo waxa uu gacantiisa kasoo hoos baxshay ninkii taleefanka lahaay inta udhaxeyso labadiisa lugood sidaas ayuu taleefankii gacanta ugu dhigay markii loo istaagay rakcadii adfardaana tuugii sidaas ayuu kubaxay.

Dad uu Masjidka kabuuxsamay kuna sugan banaanka hore ayaa arkay ninkaan oo soobaxay salaadii oo weli lagu jiro, laakinn atabadan dadka ayaa uqaatay in ninkaan ay salaadii kaburtay ama sikale wax ugu dheceen.

Markii Salaada laga baxay ayaa ninkii taleefanka laga xaday waxa uu safkii kadanbeeye weydfiiye in ay garanayaan ninka meesha kabaxay iyo xilaga uu baxay? laakiin jameecadii ayaa usheegtay in aysan garaneyn heerka uuyahay iyo in uu baxay markii loo istaagay rakcada afaraad ayna u qaateen markuu ninka baxayay ay salaadii kajabtay.

Arimaha Bulshada