Shilinka Soomaaliga ah oo Qarka Usaaran In Uu Gabi Ahaanba Suulo! Maxeytahay Sababta?

Shilinka Soomaaliga ah oo Qarka Usaaran In Uu Gabi Ahaanba Suulo! Maxeytahay Sababta?

Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo loosoo gaabiyo astaana u ah SOS waa mid kamid ah Astaamaha uuleeyahay qaranka Soomaaliyeed, waana lacagta larabo in an bulshadu wax kukala gadato, sidookale Xafiisyada Dowlada laga Isticmsalo laguna dajiyo Miisaaniydda sanadlaha ah ee uu dalku leeyahay, laakiin taas badalkeedii waxa uu Maanta wajahayaa Shilinki Soomaaliga ahaa xaalad adag, sidookale waxa uu Qarka usaaranyahay in uu suulo gabi ahaanba hadii aanan wax laga qaban!!

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa Taariikh kooban oo ku saabsan lacagta Shilin Soomaaliga ah, Xaaladihii ay Soomaertay, iyo Xsalada halista ah oo ay maanta wajaheyso!!

Taariikh Kooban

Maadaam uu dalku soomaray Gumeysi waxaa inta badan lasoo isticmaalay lacago uu keenay Gumeystaha, Afary laga soobilaabo 1952 ilaa 1962 waxaa inta badan dalka la isticmaali jiray lacag lagu magacaabo Somalo, halka qeybo kale oo dalka kamid ahna laga isticmaalayay lacago

Sanadii 1962 kii waxaa si rasmi ah loodaabacay Lacagta Shilin Soomaaliga ah,

Lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa waxa ay ku soobaxday labo nooc ookala ah Shilimaad (Coins) iyo warqad (Bank Notes), Lacagta nooca shilimaadka ah ayaa ku soobaxday 5 shilin, 10 Shilin, 20 Shilin iyo 100 Shilin waxa ayna soobaxday sanadii 1962 kii, mudo kadib waxaa hadan soobaxay 50 Shilin, waxaa hadana kuxigsaday 500 Shilin, halka ugu danbeyn la daabacay 1,000 shilin Soomaali.

Kadib burburkii dalka waxaa gabi ahaanba lawaaye lacagihii yaryaraay oo midba mar suuqa kabaxday maadama aysan jirin dowlad iyo bangi dhexe oo ilaaliyo lacagta awoodeeda.

500 Shilin soomaali ayaa noqotay lacagtii udanbeyse oo lagawaayo Suuqyadsa Soomaaliya waxa ayna suushay ama suuqa kabaxday sanadii 2000, halka 1,000 shilin Soomaali ahna uumaanta wajahaayo caaqabado adag qarkana uu usaaranyahay in uu asna suulo ama lawaayo hadii aanan wax laga qaban.

Caaqabadaha Heesto Shilin Soomaaliga

Waxa uu Shilin Soomaaliga maanta la daalaa dhacayaa caaqabado waaweyn oo ay kamid yihiin Qiimo dhac baahsan oo kuyimid, Sicir barar xoogan iyo isticmaalka lacgta Doolarka ah oo ku xoogan gudaha dalka.

Isticmaalka Lacagta Doolarka ah taas oo kubaahday laga soobilaabo bangiga dhexe ee soomaaliya, sidookale Wazaarada maaliyadda ilaa  laguna keeno Ganacsadaha yare e Jidka wax ku iibinaayo ayaa ah midkamid ah caaqabadaha ugu waaweyn ee heesto Shilin soomaali, waxaana taas ka dhalatay in meelo badan ee Soomaaliya kamid ah laga diido qaadashada Shilin Soomaaliga gabi ahaanba halka meelo kalana ay la daalaa dhacaayaan sicir barar baahsan iyo qiimo dhac kuyimid shilinka Soomaaliga ah.

Maxaa Kor Uqaado Awooda Lacagta Uu Dal leeyahay?

In Lacagta wadan uu leeyahay ey awood yeelato waxaa qeyb weeyn ka qaato arimahaan:

Hanaan Dhaqaale:

Hadii uu wadanku leeyahay hanaan dhaqaale ee xoogan taasi waxa ay micnaheedu tahay in lacagta wadnakaas ay leedahay qiimo xoogan la iskuna haleen karo, maadama ay qeyb weyn ka tahay hanaankaas dhaqaale ee xoogan.

Daganaanta Dalka:

Hadii ay wadanka kajirto daganaan Siyaasadeed lacgta dalkaasi waxa ay heli doontaa awood ay ku joogto suuqyada caalamka, taas badalkeeda hadii ay jirto daganaan la’aan siyaasadeed waxa ay taasi horseedi kartaa in qiimaha lacagta dalkaasi uu hoos udhac weyn sameeyo.

Maxaa Xal u Ah Shilin Soomaaliga?
Xalka kaliya ee maanta lagu badbaadin kaaro Shilinka Soomaaliga ayaa ah in Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay latimaado qorshe ay ku wajeheeso xakameynta isticmaalka Doolarka ah, dajinta qiimaha Sarifka ah iyo xal u helida dhaqaalaha iyo daganaanta dalka.

 

 

 

 

Maqaalo