Marnaba muhiim uma ahan Noloshaada in aad Maaalin walbo waqti fara badan ku lumiso baraha bulshada hadana aadan wax uun ka akhrin Buug amaba Xitaa maqaal yar kaas oo aad wax uun ka faaiidi laheyd!
Maqaal lagu daabacay Majaladda Isbaanish ka ah ee lagu magacaabo Azsalud ayaa Qoraaga lagu magacaabo Bernat Caprispina Waxa uu ku dhahay Akhrisku waa howl u muhiim ah Nolol Maalmeedkeena.
Khubarada wax darso waxa ay ku talinayaan in qeybyar oo waqtigeena kamid ah oo aan ku qarashgareeyo wax aan xiiseyneeno, taas oo aan joogteyno in ay na jecleesiin doonto wax akhrinta.
Hadaba waxaa halkaan ku soo gudbineynaa 12 Qodob oo muhiim u ah wax akhriska waxaana lagu ogaaday Cilmi baaris lagu sameeyay Sayniska Casriga ah:
1. Nasiino: Wax Akhrisku waa hiwaayad Cajiib ah, Cilmi baaris lasameeye ayaa sheegeysa in Qofku haduu 10 daqiiqo si dagan wax u akhriyo in Murqaha jirku dareemi doonaan nasiino sidookale waxa ay u fiicantahay Wadnaha, wax akhriska waxaa loo tixgaliyaa in uu yahay mid u fiican Werwerka.
2. Hurdo La’aanta: Sida badan qaarkeen waaba arkeen in markii uu qofku wax akhrinaayo uu Gam’o, Cilmi baaris ayaa ku talineysa in Wax akhrisku uu u fiicanyahay Hurdo la’aanta, Sidookale marka uu Qof wax Akhrinaayo waxa uu ka fogaadaa in uu kafikiro Dhibaatooyinka Maalinlaha ah.
3. Fahamka Dadka kale: Cilmi Baaris laga sameeye Cilmi Nafsiga ayaa waxa ay sheegeysaa dadka sida joogtada ah wax u akhriyo in ay dadka kale u Fahmaan si fudud, sidookale in ay yihiin Dad aad u naxariis badan.
4. Dabacsanaanta: In aad hesho Neuroplasticity taas oo macnaheedu yahay Awooda ay Neerfaha isugu badalaan ayaa ah mid aad u muhiim ah waana wax laga helo wax Akhrinta, dadka wax akhriyo ayaa inta badan waxa ay helaan Caqli badan, Maskaxdoodana waxaa ku soo aruuro Fikrado farabadan, sidookale waxa ay awoodaan in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka jiro hareerahooda.
5. Xasuus Kicinta: Qodobkaan oo sidhaw ulaxariiro Qodobki kahoreeye ayaa waxa uu dhiiragalinayaa in wax akhrisku muhiim yahay, waxa uu sidookale kugu dhiiro galinayaa in aad hadaba bilaawdo wax akhrin, Cilmi Baaris ayaa ku talineysa in joogteynta wax akhrinta ay tababar muhiim ah utahay maskaxda sidookale in ay qofka gaarsiin karto heer aad u sareeyo, Qofka joogteeyo Wax Akhrinta waxa uu helaa Xasuus dagdag ah iyo Sameynta Fiirogaar ah.
6. Qani kanaqasho Dhanka Erayada ah: Waa hubaal hadii aad wax badan akhriso, kuna Akhriso luuqado kala duwan in aad heli doonto erayo cusub marwalbo, hadii aad joogteysana waxaa Qani ka noqon doontaa xaga Erayada.
7.Guul Dhanka Xirfadda ah: Shaki kuma jiro in uu Xariir kadhaxeeyo wax akhrinta iyo guulaha dhanka Xirfada ah, Maamulayaal badn oo ka howlgala shirkado waaweyn ayaa aaminsan in Wax akhrintu ay qeyb weyn ka qaadatay guulahooda.
8. Horumar Dhanka Caqliga ah: Waxaa shaki la’aan ah in Akhriska badan uu Qofka kadhigo mid aad u Caqli badan Maxaa yeelay Akhriska waxa uu kor u qaadaa shaqada Maskaxda, Sida jirkuba ugu koro wax cunida ayay maskaxduna ugu kortaa wax Akhrinta badan.
9. Kordhinta Nolosha Qofka: Tan macnaheedu Ma ahan in hadii aad wax Akhriso ay sanado badan kuu kordhi doonaan ee waa in aad dadka kale ee kula midka ah aad ka horeyn doonto marwalbo uu akhriskaagu bato, taaso oo lamicno ah in aad ogaato waxbadan oo aysan dadka kula midka ah ogeyn.
10. Cilmi: Barashada ugu wanaagsan ee uu Qofku sameeyo waa Wax akhrinta, Isha ugu wanaagsan ee uu qofka cilmihga kahelo waa Akhriska Faraha badan, sidookale tan waxa ay meesha ka saareysaa shakigii ah in ay adagtay in wax labarto.
11. Ka Faaiideysasho Dhanka Waqtiga ah: Waayadaan danbe Dadka waqtiga ugu badan waxa ay kulumiyaan Safarka, hadii uu safarkaaga Qaadanaayo Xitaa 15 Daqiiqo, Wax uun Aqri, Markaas waxaa ka faaiideysatay Waqtigii yaraay sidoo kale waxaad ogaatay wax cusub oo horay kaaga maqnaay.
12. Horumar Dhanka Khiyaaliga ah: Cilmi baaris Saynis ah ayaa sheegeysa in Wax akhrisku uu furo maskaxda, Sidookale horumar xoogan ayay sameeyan dadka jecel waxyaabaha Khiyaaliga ah marka ay akhrinayaan buugaagta ka hadlo khiyaaliga.
hadab hadii aad ka faaiiday maqaalkaan rabtana in aad wax badan Akhriso, Qeybta hoose ka Rukumo.