Sawiro Dhiirogalin ah oo ay ku Faafisay baraheeda Bulshada ayay kusheegtay in ay Guusheeda sabab u tahay Taladii Hooyadeed!!

Sawiro Dhiirogalin ah oo ay ku Faafisay baraheeda Bulshada ayay kusheegtay in ay Guusheeda sabab u tahay Taladii Hooyadeed!!

Erica Alfaro oo ah Gabar Mareekan ah asal ahaana kasoo jeedo wadanka Mexico ayaa sheegtay in aysan weligeed hilmaami doonin taladii hooyadeed ee aheyd in ay waxbarashadeeda siiwadato kana guul gaarto.

Waxa ay baraha bulshada soo galisay sawir ayada oo wadato dharkeeda qalin jabinta lana sawiran Hooyadeed iyo Aabeheed oo dhax joogo beer ay kabaxeysay Yaanyo taas oo ay mudo ka shaqeynayeen.

“Maalin ayaan aad u daalay, Hooyadeey ayaana usheegay waxa ayna igu tiri waa sida larabo saan waana sida nolosho taha ee horay usoco, dadka aanan rabin in ay sidaan kujiraan ayaa waxbarasho helo, hadalkaas saameyn ayuu igu yeeshay” Alfaro oo 29 sano jir ah ayaa CNN usheegtay.

Erayadaas xikmadda leh waxa ay dhiirogalin u noqdeen Alfaro oo isaga tagtay Iskuulka ayadoo 15 jir ah kadib markii ay Uur yeelatay.

Bishii lasoo dhaafay ee May 19keedi ayay Alfaro ka qalin jabisay shahaadada heerka 2aad ee Master degree, waxa ayna go’aan ku gaartay in sawiradeeda qalin jabinta lagasho Hooyadeed iyo Aabaheed oo kusugan weli beerta ayag oo wato dharkoodii shaqada.

Safarkeedi Waxbarashada

Alfaro ayaa kudhalatay magaalada Frenso ee Gobalka California laakin waxa ay ku soo barbaartay magaalda Tijuna ee wadanka Mexico.

Inta ay ku nooleed magaalada Tijuna waxa ay maalin kasto goyn jirtay xadka udhexeeyo Mexico iyo US si ay Iskuul ugu dhigato Magaalada Frenso ee gobolka California.

Markii ay aheyd 15 jir waxa ay qaaday Uur waxa ayna katagtay qoyskeedii ayada oo u go’day saaxiibkeed waxa ayna ku heshiiyeen in ay banaanka isula noolaadaan.

Taasi waa socon weysay oo waxa ay ku soonoqotay Gurigeedi, markii ay jirtay 17 waxa ay dib ugu laabatay Iskuulka ayada oo qaadatay taladii hooyadeed oo ah in ay waxbarato si ay uga baxdo nolosha adag.

Markii ay Iskuulka dhamaysay waxaa laga aqbalay Jaamacadda California State University, 2012 ayadoo kujirto sanadkii 1aad ee jaamacadda ayaa waxaa xanuunsaday wiilkeedi, taasina waxa ay saameyn kuyeelatay darajadeeda.

“Lix sanao ayay igu qaadatay in aan diyaariyo Shahaadada heerka 1aad” Alfaro ayaa sidaa dhahday.

“Sababta aan Sawiradeyda bulshada ula wadaagay ayaa ah in aan dhiiro galiyo hablaha lafuray ee aan diiwaangashaneyn caqabado kalana ay heestaan in ay waxbaran karaan noloshana guul uga gaari karaan” ayay tire Alfaro.

Alfaaro ayaa hadalkeeda sii raacisay sawirada ay baraheeda bulshada ku faafisay in ay  ku dhiira galineyso dadka ayada ookale  ah oo duruufaha adag kaheysto nolosha rabana in ay waxbartaan.

Waxaa soo turjumay: Abdullahi Mohamed Ahmed ( Arbaca)

 

Maqaalo