Muhiimad gooni ah ayay leedahay in Baasaboorka dalwalbo uu leeyahay lagu tagi karo wadamo faro badan, hadaba halkaan waxaa kusoo gudbineynaa 10ka ugu horeeyo wadamada kujiro iyo tirada inta wadan ee lagu tagi karo Baasaboorada wadamadaas.
Qofka wato baasaboorada wadamada hoos kuxusan waxa uu wadamadaas kutagikaraa intooda badan Visa la’aan ama Airport ka ayaa lagu siinayaa Visaha.
Sanadkaan 2019 ka waxaa 10 ka ugo horeeyo kujiro 27 wadan oo 20 kamid ah ay kuyaalaan qaaradda Yurub halka 3 kamid ah na ay kutaalo qaaradda Aasiya
1) Japan
Waxaa kaalinta 1aad kujiro Baasaboorka wadanka Japan waxaa lagu tagi karaa 190 wadan ayadoo aan lagu dhibeyn wax dal kugal
2) Singapore & South Korea
Waa 2 wadan oo kuyaalo Qaaradda Aasiya taas oo kadhigan in kaalmaha 1aad iyo 2aad ay kujiraan sedex wadan oo kuyaalo qaaradda Aasiya, Singapore iyo South Korea waxaa Baasabooradooda lagu tagi karaa 189 wadan.
South Korea ayaa kujiratay 10 ka wadan ee ugu awooda badan xaga baasabooradaa laga soobilaabo 2009 ki.
3) France & Germany
Waxaa kaalinta sadaxaad dangan wadamada Faransiiska iyo Jarmalka waxaana lagu tagi karaa Baasabooradooda 188 wadan.
4) Denmark, Finland, Sweden & Italy
Waxaa kaalinta 4aad kujiro Afartaan wadan ee kala ah: Denmark, Finland, Sweden & Italy waa wadamo Yurubiyaan ah waxaana Baasabooradooda lagu tagi karaa 187 dal.
5) Luxembourg & Spain
Labadaan wadan ee kala ah: Luxembourg & Spain ayaa Baasabooradooda waxaa lagu tagi karaa 186 dal waxa ayna kujiraan kaalinta 5aad.
6) Austria, Portugal, Norway, Netherlands, Switzerland, UK & USA
Waxaa kaalinta 6aad kulansaday wadamadaan kala ah: Austria, Portugal, Norway, Netherlands, Switzerland, UK & USA, wadanka UK ayaa horay ugujiray kaalinta 4aad halka USA uu kujiray asna kaalinta 5aad waxaana Baasabooradooda lagu tagi karaa wadamo gaaraya 185 wadan.
7) Belgium, Canada, Ireland & Greece
wadamadaan kala ah : Belgium, Canada, Ireland & Greece ayaa dagan kaalinta 7aad waxaana lagu tagi karaa Baasabooradooda 184 dal.
8) Czech Republic
Wadankaan oo kali ku ah kaalinta 8aad ayaa waxaa Baasaboorkiisa lagu tagi karaa wadamo gaaraya 183 dal.
9) Malta
Wadanka Malta ayaa isna xoreystay kaalinta 9aad waxaana baasaboorkiisa lagu tagi karaa wadamo gaaraya 182 dal.
10) Australia, Iceland & New Zealand
Wadamadaan kala ah: Australia, Iceland & New Zealand ayaa iskula jiro kaalinta 10aad waxaana lagu tagi karaa baasaboorkooda wadamo gaaraya 181 dal.
Somalia
Somalia oo dib udhac weyn kuyimid kadib burburkii 1991 kii ayaa waxaa meesha kabaxay awooda Baasaboorka Soomaliga ah, waxaana hadda kaliya lagu tagi karaa 7 dal qaab Visa la aan ah waxaana kamid ah wadamadaas Benin iyo Malaysia.