Warbixin: Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Isbadalka Ganacsiga!!

Warbixin: Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Isbadalka Ganacsiga!!

Inta badan Suuqyada Soomaaliya waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaq xoogan markii lagaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana ladareemaa in Bishaan ay kaduwantahay Bilaha kale.

Hadii aan tusaale usoo qaadano suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha waxaa ladareemaa in uu isbadal kuyimaado marki lagaaro bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa isbadalka dareemo dadka iibiyo alaabaha kala duwan sida: Maacuunta, Raashinka, Dharka iyo Macmacaanka.

Maacuunta

Marka ay kaharsantahay maalmo Bisha Ramadaan waxaa suuqa maacuunta laga dareemaa dalab faro badan, waxa ayna dadku iibsadaan alaabihi lagu karin lahaa cuntada ama lagu cuni lahaa, ilaa laga gaaro maalmaha hore ee bisha Ramadaan waxaa socod leh alaabaha maacuunta ah.

Raashinka

Raashinka ayaa asigana socod wanaagsan laga dareemaa bilowga Bisha Barakeesan ee Ramadaan, dadka ayaana iibsado raashinkii ay uga bixi lahaaayeen Bisha, sidookale Qudaarta ayaa sameyso dhaqdhaqaaq fiican.

Dharka

Markii lagaaro 15ka Ramadaan iyo wixii kadanbeeyo waxaa socod fiican bilaabo Dharka waxaana suuqyada lagu arkaa caruur faro badan iyo waalidiin gacmaha kahaayo si ay ugu iibiyaan nooca dharka ay kahelaan.

Macmacaanka

Maalmaha ugu danbeeyo Bisha Bramadaan iyo mabalinka ciida waxaa suuq fiican yeesho macmacaanka sida: Xalwada, Buskudka iyo qeybaha kale ee macmacaanka.

Guud ahaan Ganacsiga ayaa laga dareemaa isbadal inta lagu guda jiro Bishaan Barakeesan ee Ramadaan.

 

 

 

Maqaalo