Quraacda Miyaa ah Cuntada ugu Muhiimsan ee La Cuno Maalinkii!

Quraacda Miyaa ah Cuntada ugu Muhiimsan ee La Cuno Maalinkii!

Waxaa macquul ah in aad horay u maqashay in Quraacdu ay tahay cunada ugu fiican ee uu qofku cuno, Hadaba arinkaas maxaa ka jira? Maka muhiimsantahay Cashada iyo Qadada? Hadii ay ka muhiimsantahay Goormee lacunaa? Su’aalahaas ayaan uga jawaabeynaa maqaalkaan hoose.

Cilmi baaris kala duwan oo la sameeye ayaa lagu ogaaday in Quraacda ay tahay cunada ugu haboon ee uu qofka cuno maalinkii waxaana muhiim ah in ay ahaato mid dheelitiran oo laga heli karo wax walbo oo uu jirku u baahanyahay.

Adelle Davis oo ku taqasustay cilmiga Nafaqeynta ayaa laga haayaa oraah caanbaxday oo aheyd: ”U Quraaco sidii Boqor, u Qadey sidii Amiir, una Casheey sida faqiir”.

Tamarta (Energy)  ugu badan ee jirkeena soogalo waxaa la sheegay in uu ka yimaado quraacda la qaato subaxa hore, Cilmi baarayaal badan ayaa ku talinaya in Quraacda lacuno, laakiin taa micnaheedu ma ahn in qofkii katago quraacda uu noqon doono tamar la’aan ah.

Goormee ayay ugu haboontahay in lacuno Quraacda?

Waxaa jira kala duwanaasho badan oo arinkaan la xariira, laakiin inta badan Cilmi baarayaasha waxa ay ku taliyeen in Quraacda lacuno 7:00 AM ilaa 8:00 Am si qofkii shaqo aadayo uu u isticmaalo tamarta Quraacda.

Maxaa lacunaa Xiliga Quraacda:

Cilmi baarista waxa ay soojeedisay in lacuno cuno ay ka koobanyihiin Ukun, Qamadi, Avocado, loos, yoogart Mushaari, ama Bur Qamadi ama galey ay kujirto hadii laheli karo, muhiim ma ahan in aad intaan wada cunto waxaa kaheli karo mid walbo ayaa muihiim ah.

 

Hadii aad maqaalkaan ka hesdhay nagu soobiir oo qeybta hoose geli Email kaaga hala ay ku qorantahay Rukumo, mahadsanid.

 

 

Arimaha Bulshada Caafimaad