Qofwalbo oo naga mid ah marka uu xanuun dareemo waxaa ku adkaata cunista raashinka, hadaba maxaa muhiim u ah in uu cuno qofka xanuunka dareemo?
Waxaan hoos kuugu soo gudbineynaa 5 cuno ama Qudaar oo qoka xanuunsan caawimaad dheeri ah siineyso:
1) TUFAAX
Marka aad xanuunsan tahay waxaa u baahan tahay inaa isticmaasho waxyaabaha laga helo maadafa Flavonoid sababtoo ah maadada Flavonoid waxay xoojisaa difaaca jirka.
Tufaaxa ayaa ka mid ah cuntooyinka laga helo maadada Flavonoid xilliga aad xanuunsan tahay aad u isticmaal tufaaxa muhiim ayuu kuu yahay.
2) LIIN BAMBEELMO
Marka aad xanuunsan tahay waxaa u baahan tahay in Aad hesho maadada Vitamin C sababtoo ah Vitamin C xilligan oo kale hoos u dhac ayaa ku yimaada. Vitamin C wuxuu jirka ka ilaakiyaa in jeermiska ilma aragtada ah soo weeraro xilliga qofku xanuunsan yahay. Liin bambeelmada ayaa ka mid ah cuntooyinka qaniga ku ah Vitamin C xilligan oo kale aad u isticmaal way ku anfacaysa.
3) MOOSKA
Xilliga qofku xanunsan yahay xanuunka kadib waxyaabaha qofka dareemo waxaa ka mid ah daal iyo jajabnaan xagga jirka ah sababtoo ah Potassium ku fikan qofk xilligan jirkiisa ma haysto. Mooska ayaa ka mid ah cuntooyinka laga helo Porassium daalka ayuuna la dagalaamaaa, marka aad xanuun iska dareento isticmaal mooska, daal iyo jajabnaan jirka ah iskuma arkaysid Insha Allah.
4) BABAAY IYO QARE
Isla marka qofku xanuun dareemo waxaa istaaga caloosha waxaana qofka jirkiisa ku yaraanaya biyaha sidaa darteed qofku waa inuu isticmaalaa Babaay oo caloosha socodsiinaya, caloosha qofku marka ay socotana xanuunka wuu ka yaraadaaa sidoo kale qofku waa inuu isticmaalo Qare. Qaraha 92% waa biyo wuxuuna jirka siiyaa nafaqo, qandhada ayuuna yareeyaaa.
5) TIMIR
5. Marka aad xanuun, qandho ama hargab dareento waxaa u baahan tahay nooc kasta oo vitamin ah, sababtoo ah ma qiyaasi kartid vitaminka ama macdanta jirkaaga ka maqan nooca ay tahay.
Si aad u hesho macdan kasta, vitaminka jirkaagana u noqdo mid dheelitiran waa inaad isticmaasho Timir.
Timirta waa shayga kaliya ee laga helo nooc kasta oo Vitamin ama macdan ah si gaar ah ayay ku anfacysa xilliga aad xanunsan tahay.
W/Q: Dr Waahin Sabriye
Hadii aad ka heshay maqaalkaan, si aan kuula wadaagno maqaalo kale oo muhiim ah nagu soobiir oo Rukumo, si aad u rukumato gali Email kaaga mesha hoose oo ay ku worantahay Rukumo, Mahadsanid