CILMI BAARIS: XAGEE LAGA KEENAA XASHIISHKA IYO DAROOGADA MUQDISHO LAGU CUNO!

CILMI BAARIS: XAGEE LAGA KEENAA XASHIISHKA IYO DAROOGADA MUQDISHO LAGU CUNO!

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu siyaaday magaalada Muqdisho goobaha lagu cuno daroogada noocyadeeda kala duwan, waxaana maanta gudaha dalka laga heli karaa inta badan noocwalbo oo daroogo ah ee dunida inteeda kale taalo.

Wadanka waxaa ay daroogada ku timaadaa 2 nooc, mid lasoo dhoofiyo iyo mid gudaha dalka lagu beero, cilmi baaristaan waxa ay xooga saareysaa mida gudaha lagu beero iyo halka ama goobaha lagu beero.

Cilmi baaristaan waxaa sameeye Ustaad Abdulrazak Mohamed Ahmed, waxa uuna ku soo helay natiijo muhiim ah oo daaha ka qaadeyso halka ay kayimaadaan daroogada iyo Xashiishka lugu cuno Muqdisho.

Waxa uu ku bilaabay cilmi baaristiisii sidaan:

Baaris kooban oo aan ku sameeyay xashiishka Muqdisho ayaan ku ogaaday arimaha soo socda:

 

BEERISTA:

Xashiishka laga cabbo Muqdisho waxaa inta badan lagu beeraa tuulada Tugaareey (Bariga Jowhar) iyo Aagga Shalambood, Jannaale, Balcad iyo Afgooye. sidoo kale waxaa jira guryo ku yaaal Muqdisho oo lagu tacbbo daroogadan.

DAABULKA:

Daroogada xashiishka waxaa lagu soo daabulaa baabuur caasiyaal (HOMEY) ah iyada oo jawaanno lagu soo cabbeeyo isla markaaana afka hore ee jawaanka la saaro qudaarta reexaanta iyo kabsarta si loogu ekeysiiyo qudaar.

SUUQYADA XASHIISHKA:

Xashiishka waxaa loo iib geeyaa gudaha dalka inkasta oo beri dhexdaas ah lagu qabtay badda Somaliya dooni sidda daroogo taas qiyaastii debeadda loo dhoofin lahaa.

QAYBINTA & IIBINTA:

Xashiishka waxaa lagu dejiyaa guryo ku yaal Muqdisho kadibna waxaa loo qaybiyaa goobaha lagu iibiyo oo ku yaal Fagax, Kaaraan, miijiska suuqbacad, Afar irdoodka xamarweyne, km4, Zope, Tabelaha Sh. Ibrahim, Weydow, Beerta jaadka & meelo kale.

TIRADA DADKA CUNA XASHIISHKA:

Lama hayo numberka dadka xashiishka caba ee muqdisho waxaase la aaminsanyahay in ay isticmaalaan ugu yaraan 150 kun oo qof kuwaaas oo isugu jira rag iyo dumar iyo da’da 20-65 sano.

MUXUU DAREEMAA QOFKA XASHIISHKA CABA?

1. Cabsi in la fahmo.
2. Khayaali iyo been iska dhaadhicin.
3. Rabitaan uu rabo inuu xado waxyaalo qiimo liita sida kabaha iwm.

SIDA LOOLA DAGAALI KARO:

1. In la ciqaabo qolada abuurta.
2. in shaqo loo abuuro dhalinyarada.
3. In la dhiso xabsi u gooni ah dadka qaba aafada daroogada.
4. in wacyigelin baaahsan laga sameeyo waxyeelada daroogada.
5. in ciqaab aad u adag la marsiiyo cid kasta oo ka ganacsata xashiishka.

 

Hadii aad qormadaan ka heshay nagu soobiir oo Rukumo mareegtaan adigoo EMAIL kaaga galinaya qeybta hoose ee Rukumo ku qorantahay. Mahadsanid

 

Arimaha Bulshada Maqaalo