Maxaa Laga Helayaa Hadii Lacuno Malaay/Kaluun Maalinkasto!!

Maxaa Laga Helayaa Hadii Lacuno Malaay/Kaluun Maalinkasto!!

Raashin hal nooc ah kaliya in lacuno uma fiicno jirka Qofka, sidaas darteed waxaa larabaa in uu Qoku Cuno Raashiin kala Nooc ah oo dheeli tiran maalin kasto si koriinshaha ama caafimaadka Jirkiisa u noqdo mid wacan.

Malaayga ama Kaluunka Noociisa Fareeshka ah ee aanan lagasacadeen ayaa lagu tiriyaa in uu yahay mid kamid ah Hilibka ugu caafimaadka badan ee lacuno.

Sida laga sooxigtay Dietary Guidelines For Americans oo 5tii sanaba Mar soosaarto warbxin laxariiirto nooca Cunto oo laraba in ay cunaan dadka u dhashay Mareekanka ayaa kahadashay intabadan Cuntada joogtada loocuno, teeda fiican, iyo tan ay fiicantahay in cunideeda layareeyo.

Maadaama aan ka hadleyno Cunista Kaluunka ama Malaayga ayaa majaladaan waxa ay  ku talisay in uu qofku cuno 8 Ounce ama 227 Gram oo Kaluun ah oo kudhaw Rubac Isbuuc kasto ay waxbadan katari doonto caafimaadka Jirkiisa sidookala Caafimaadka Wadnahana ay kor Uqaadi karto.

Faaiidooyinka laga helo Cunista Kaluunka/Malaayga.

Sida ay qortay mareegta Healthline  Cunista Kaluunka ama Malaayga waxa laga helaa:

Malaayga ama Kaluunka waxa uu u Fiicanyahay koriinshaha Jirka.

Waxa uu ufiicanyahay Caafimadka Wadnaha

Waxaa laga helaa Nafaqo farobadan oo Jirka ufiican

Maskaxa ayuu aad ugu fiicanyahay

Waa mid kamid ah Ilaha laga helo Vitamin D

Difaaca jirka ayuu Ufiicanyahay

Arga Dadka da’da ah ayuu ufiicanyahay

sidookale Hurdo fiican ayaa laga helaa Cunistiisa.

Karinta ama diyaarinta Kaluunka ayaa ah mid fudud oo aanan u baahneyn waqti faro badan.

Cilmi Baaris lasameeye ayaa sidookale xoojineysa in cunista Kaluunka oo lajoogteeyo ay faaiido u leedahay Wadnaha, Cilmi Baaristaan oo lagu sameeye dad gaarayo 192,000 oo qof, kuna kala nool 5 wadan ayaa waxaa ka soo baxday isku natiio.

Dadka Cilmi baarista lagu sameeye oo qaarkood qabay Xanuunada wadnaha ayaa laga helay natiijo isku wada mid ah, Cilmi baarayaasha ayaana ku taliye in lajoogteeyo Cunista Kaluunka.

 

 

Caafimaad