Gobalka Florida ee dalka Mareekanka, goob lagu ciyaaro ciyaarta Goolafka ( Golf) ayaa waxaa marqura hawada kasoo dhacay Malaay/Kaluun kasoo fakaday Shimbir.

Goobta ciyaartaan Goolafka lagu ciyaaro ayaa waxaa ku agyaalo Haro weyn taas oo ah meesha uu Kaluunka ku noolaay kahor inta aanay Shimbirta sooqabsan.

Muuqaal laga duubay oo lafaafiyay ayaa muujinaya Shimbirta oo lugaheeda ku qabsaneyso Kaluunka, kadibna laduushay wax xoogaa yar kadibna uu kafakaday.

Kaluunka ayaa ku soodhacay goobta lagu ciyaaraye waxaana durbadiiba qabtay nin kamid ah Ragii Golf ka cayaaraye oo horay ugu celiyay Haradii uu ku jiray.

Dakii goobta ku sugnaa ayaa aad ugu amaanay howsha badbaadada ah ee uu sameyay ninkaas.

Arimaha Bulshada