Meeqo Liitar Oo Biyo ah Ayaad Cabeysaa Halkii Maalin??

Meeqo Liitar Oo Biyo ah Ayaad Cabeysaa Halkii Maalin??

Culeyska jirka waxa u ka kobanyahay Biyo 60% sidaas darteed jirka waxa kabaxo biyo farabadan maalin kasto ayagoo uga baxo qaab Kaadi ama dhidid ah.

Si aysan udhicin in uu jirka qalalo waa in uu qofku cabaa biyo u dhigmo intii kabaxday oo kale.

Guud ahaan bahda caafimaadka waxa ay marwalbo ku taliyaan in uu qofku cabo biyo badan, hadabo meeqo liitar oo biyo ah ayaad cabeysaa maalin kasto.

Akadeemiyada lagu magacaabo The National Academies of Sciences, Engineering, and Medicine waxa ay ku talineysaa in sidaan soo socoto loocabo biyaha:

Ragga waa in ay cabaan 15.5 Galaas oo biyo ah maalin kast taas oo u dhiganta 3.7 Liitar.

Dumarkana wa in ay cabaan 11.5 Galaas maalin kasto oo u dhiganta 2.7 Liitar.

Intaas oo biyo ah waa kuwa sida caadiga ah loo cabaayo, waxaa kale oo macquul ah in uu jirku helo biyo dhan 20% oo ka imaanayo cunada uu qofku cuno.

Waxaa jiro xaalado kale oo wax kabadalayo heerka cabida biyaha ee qofka waxaana ka mid ah:

1) Jimicsiga

Marka uu qofku sameynayo jimicsiga waxaa jirkiisa kabaxaayo biyo faro badan, sidaa darteed waa in uu qofku cabo biyo u dhigmo intii kabaxday oo kale.

2) Deegaanka

Deegaanka uu qofku ku noolyahay waxa uu saameyn weyn ku leeyahay biyaha uu cabayo , tusale hadii uu qofku ku noolyahay degaan kulul waa in uu cabo biyo badan maxaa yeelay waxaa jirkiisa kabaxaayo dhidid faro badan.

3) Marka uu qofku Xanuun sanyahay.

Hadii uu qofku xanuunsanyahay ama ay qandho jirto sida mataga oo kale waa in uu cabo qofku biyo badan.

4) Haweenka Uurka leh ama Wax Nuujinayo

Haweenka Uurka leh ama wax nuujinayo waa in ay cabaan biyo faro badan, Xafiiska kahadlo arimaha caafimaadka ee dumarka laguna magacaabo The Office on Women’s Health waxa uu ku talinayaa in Dumarka uurka leh ay cabaan 10 Galaas oo biyo aha una dhgiganta 2.4 Liitar, halka kuwa wax nuujinayana ay cabaan 13 Galaas oo u dhiganta 3.1 Liitar oo biyo ah.

Caafimaad