Waayadaan danbe waxaa batay in cunidda ukunta ama beedka ay keeni karto khatar caafimaad laguna sheegay in ay Kolastarool ka ( cholesterol ) ay badiso, hadaba waxaa maqaalkaan ku soo gudbin doonaa cilmi baaris laga sameeye arinkaas iyo faa’iidooynka laga helo cunidda 3 ukun maalin kasto.
Halkii Ukun ee caadiga ahaa waxaa laga helaa vitamiino kala nooc ah oo uu jirku ubaahanyahay, sidookale waxaa kujirto halkii ukun borotiin ( protein) gaarayo 6 garaam.
Diana DiMarco oo ah musharaxa PhD kana tirsan jaamacadda Connecticut University qeybta culuumta nafaqeynta ahna dadka daraasadaan wax kasameeye ayaa waxa ay tiri ” waxaan rabnay oo kaliya in aan ogaano waxa dhacaya hadii uu qofka cuno tiro kala gadisan oo ukun ah in mudo ah”.
Cilmi baaristaan ayaa lagu sameeye dad shan 37 qof da’doodana udhaxeeyso 18 ilaa 30 sano isuguna jiro raga iyo dumar.
Daraasadda ayaa ku bilaabatay in aan lacunin wax ukun ah mudo 2 isbuuc ah, mudadaas kadib waxaa loo sheegay in ay cunaan 1 ukun maalin kasto mudo afar isbuuc ah, sidoo kale 2 ukun maalin kasto mudo afar isbuuc ah, ugu danbeyna in ay cunaan 3 ukun maalin kasto mudo afar isbuuc ah.
Tijaabo lawaday inta ay socotay daraasadda ayaa waxaa soobaxday in cunida ukunta aysan badin heerka kolastaroolka ( cholesterol levels ) taabadalkeedana ay yareeso kolastaroolka aan jirka ufiicneyn loona yaqaan LDL cholesterol, sidookalana ay badiso midka jirka ufiican loona yaqaan HDL cholesterol .
UK National Health Service maqaal kasoo baxay waxaa uu qoray in uu qofku cini karo inta Ukun uu doono mana jirotiro xadidan.
Joornalka loo yaqaan American Journal of Clinical Nutrition waxa uu qoray soona jeediye in uu qofku cuno 12 Ukun isbuuc kasto.
Isku soo duub ukunta waxa ay ufiicantahay jirka qofka waxaana kujiro wax badan uu jirku u baahanyahay.