Way fududahay in aad maalin kasto la kulanto dad aadan ka helin dabeecadooda amaba hab dhaqankooda, waayoo dadka dunida joogo isku dabeecad maaha.
Deep Patel oo ah qoraa caan ah, qoryana buuga ciwaankiisu yahay 11 ka Mabd’a ee Guusha ayaa yiri ” Dadka inta badan guuleysto kama fogaadaan daska aysan ka helin, taa badalkeeda sida ay yihiin ayay kula macaamilaan”.
Macquul ma ahan qofkastoo isfahmi weysaan amaba aad kaheli weyso in aad goyso amaba ku nacdo dabeecadiisa owgeed, taa badalkeeda waxaa kuu fudud in aad kula dhaqanto dabeecada qofkaas, hadaba waxaa halkaan kuugu soo gudbineynaa 6 qaab oo aad ula dhaqmi karto dadka aadan kahelin.
1. Marka Hore Aqbal In Aadan Qofwalbo Fahmi Karin!
Waa muhiim in aad tan iska dhaadhiciso, loolama jeedo in aa adiga tahay qof xun ama ay dadka kale xun yihiin, Hadii aad iska dhaadhiciso tan waxaa ogaatay in qalad jiro ama ay macquul tahay in ay marwalbo dhici karto isfaham waa, taas waxay kuu sahleysaa in aad la timaado xal amaba isu diyaariso lamacaamilka qof walbo adigoo og in kala duwanaasho dabeecad ay jirto.
2. Dadka Aadan Kahelin, Waxa ay Sheegaan Ka Eeg Kaliya Dhanka Wanaagsan.
Dr Susan Krauss oo ah Khabiir ku taqasustay Cilmu Nafsiga waxa y ku talineysaa in qofku uu isku dayo in uufahmo habdhaqanka kala duwan ee dadka kale. dadka aadan ka helin habdhaqankooda hadii hadal kasto ay dhahaan aad ka fiiriso kaliya dhanka aanan wanaagsanen taas waxa ay kugu sii abuureysaa naceyb, taa badalkeeda waa in aad ka fiirisaa dhanka wanaagsan kaliya.
3. Marwalbo Dareenkaaga Ogaaw
Qoraa Patel waxa uu leeyahy “ha u ogolaan dareenkaaga in uu raacraaco dadka, hadii kale waali ayay kugu hagi doonaan”. In aad marwalbo xanaaqaaga xakameyso waa muhiim, hadii uu qof isku dayo in uu ku caro galiyo marwalbo iskuday in aad caadi ahaato oo xakameyso dareenkaaga.
4. U Muuji Dareenkaaga si Deggan
Had iyo Jeer sida aan uwada xariirno waxa ay ka muhiimsantahay sida aan u hadalno, Hadii uu qof si joogto ah kuu carogaliyo oo ay meelxun gaarto waa muhiim in aad wax ka dhahdo arinkaas, waxa aad dhaheyso waa in ay ahaadan wax miisaaman.
5. Marwalbo Difaac Ha Galin!
Wax walbo ayaad la kulmeysaa, nolosha waa casharo badantahay, laakiin marwalbo iska ilaali in aad difaac ku jirto, tan waxaa ula jeedaa hadii lagu dulmiyo ha isdhiibin oo ka falceli dulmiga, ha aqbalin gardaro, hadii aad difaac gasho dadka kale ayaad u ogolaatay awood dheeri ah.
6. Ugudanbeyn Naftaada Koontarool.
In aad is xakameyso oo aad ahaato qof koontarool leh waxa ay ku siineysaa muyhiimad gooni ah, tan waxa ay kaa ilaalineysaa in aad meeshi la arko kudhacdo. Muhiimada kale e uu Koontaroolku leeyahay waxaa waaye in aadan galin ama aadan qeyb ka noqon wax aanan ku quseyn.
hadii aad maqaalka ka heshay nagu soobiir oo qeybta hose ka rukumo, siina Shar gareey.