Cambaha waxa uu kamid yahay Qudrada lacuno, waxa uu safka hore kaga jiraa qudrada laga helo faaiidooyinka badan, waxaa ka buuxo Vitamiino kala nooc ah oo jirka uleh faaiido faro badan.
Waxaa halkaan ku soo gudbineynaa faaiidooyinka laga helo cunista Cambaha oo la joogteeyo, sidookale waxaan soo gudbineynaa Cilmi baaris kala duwan oo lagu sameeye Cambaha iyo wixii kasoo baxay!
Cunista Cambaha oo la joogteeo.
Waloow ay muhiim tahay in cunista cambaha uu qof walbo joogteeyo hadana waxaa jiro caaqabado diidaaya oo ay kamid tahy in aanan Cambaha la heli karin xili walbo, Xiliyada kala duwan ee sanadka, Faaiidooyinka laga helo in lajoogteeyo Cambaha waxaa kamid ah:
Miisaamidda Dufanka Jirka
Cambaha waxaa ku badan Vitamin C, Fiber iyo Pectin, kuwaas oo isku tagaa waxa ay miisaami karaan ama yareen karaan in jirka qofka ay ku badato dufanka, Cambaha waxaa ku jiro oo kale maadada Potassium, taas oo ayada iyo Sodium ba ay shaqo weyn ka qabtaan miisaamida dufanka jirka, sidookale Cambaha waxaa kujiro biyo faro badan oo hadii uu qofku cuno ka saacidi karto in aanu jirkiisa qalalin oo uusan dufanku u siyaadin.
Cambaha Waxa uu U FIicanyahay Marinka Dheefshiidka!
Cambaha waxaa Kujiro nooc kamid ah Bakteeriyada faaiidada uleh jirka, waxa ay caawisaa Marinka dheefshiidka si ay howsha shiiditaanku u fududaato, Sidookale Cambaha waxaa kujiro Vitamino iyo Macdan ka qeyb qaato burburinta raashinka.
Xoojinta Difaaca Jirka
Cunista Cambaha waxa ay muhiim utahay difaaca jirka, Vitamiinada dhax ceegaago Cambaha ayaa kadhigan in uu yahay Guriga Nafaqada, taas ayaana muhiim u ah in uu saameyn fiican ku yeesho difaaca jirka.
Kor Uqaadista Rabitaanka Howsha Sariirta
Dhadhanaanka iyo Macaanka uu leeyahy Cambaha waxaa u dheeri ah in uu kabuuxo Vitamiin E, kaas oo qofka ku beero rabitaan faro badan oo dhanka sariirta ah, Cambaha kaliya ma taageero jirka ee waxa uu taageeraa howlaha sariirta iyo nolosha hoose ee qoysaska.
Cambaha waxa uu kaloo leeyahy faaiidooyin farabadan oo ay kamid tahay inuu yareeyo halista Cudurada qaar kamid ah sida Kansarka ookale, sidookale waxa uu yareeyaa halista Aniimiyada, waxa kale oo uu muhiim uyahay Xasuusta qofka.
Faaiidooyinka Cambaha waa faro badanyihiin oo intaan laguma sookoobi karo, Cilmibaaris kaladuwan oo lasameeye waxaa kamid ah:
Leonardo Ortega oo kamid ah howlwadeenada National Mango Board waxa uu ku taliniyaa in Cambaha uu Muhiim yahay Marinka dheefshiidka, Dr. Mertens-Talcott ayaa asna cilmi baaris uu sameeye ku sheegay in cunista Cambaha ay faaiido utahay ka hortagista xanuunada qaar, Cilmi Baaris kale oo la sameeye waxa ay leedahay in la joogteeyo cunista Cambaha waxa ay faaiido u leedahay Cadaadiska Dhiiga.
Hadii aad ka heshay maqaalkaan walaal nagu soobiir siina Share gareey