Maxaa Ka Dhalankaro Cunista Cusbo Ama Milix Farobadan!!

Maxaa Ka Dhalankaro Cunista Cusbo Ama Milix Farobadan!!

Cusbada ama Milixda waxa ay ka koobantahay 40% iskudhiska Sodium iyo 60% ikudhiska Chloride ama kolooriin, waa dhanaan waxaana inta badan loo isticmaalaa in raashinka lacunaayo dhadhan loogu yeelo.

Cunista Cusbo farabadan waxaa ka dhalan karo khataro caafimaad, sidaas si lamid ah jirkaagu waa in uusan noqon cusbo la’aan, waa in aad wax uun cusbo ah oo kuu qiyaasan in aad cunto.

Cusbada badan wax ay leedahay cilado aad isku arki karto xili dhaw iyo cilado kugu soo bixi karo waqti kadib, hadaba maxaa kadhalan karo hadii aad joogteyso cunista cusbo faro badan:

Jirka Oo Biyo Galaan!

Jirka oo biyo faro badan ay galaan taas oo keenta in uu qofka korka dhan ka bararo sidoo kale in uu jirku diisdiismo, tan waxa ay keeneysaa in uu qofku cuslaado iyo in ay jirkiisa ku nagaadaan biyo faro badan.

Cadaadiska Dhiiga oo Sare Ukaco!

Hadii aad cunto raashin cusbo farabadan leh waxaa dhaceyso in isku socodka dhiiga ee gudaha jirka ay sara u kacdo, tubooyinka dhiiga qaado ayaa markaas qaadaan dhiig fara badan, ciladaan dadka qaar ma dareemaan, cilmi baaris lasameeye waxa ay leedahay dadka leh iska caabiyaha cusbada madareemi karaan cadaadiskaan.

Oon ama Haraad Joogto Ah!

Hadii aad cunto raashin ay ku badantahay cusbada waxaa kadhalan karo oon ama haraad faro badan taas oo kugu qasbi doonto in aad cabto biyo farobadan, waxaana cabista biyaha faraha badan kadhasho Kaadi badan, laakiin hadii aad iska dhaafto in aad cabto biyo badan jirkaaga waxaa ku badan doono oo xadki loogu talagalay dhaafi doono Sodium ka waxaana arinkaas ka dhalankaro xaalad loo yaqaanoo Hypernatremia.

Ciladahaan kor ku xusan waa kuwa uu qofku si dhaqsi ah u dareemi karo hadii uu joogteeyo cunista cusbo faro badan, waxaa jiro cuduro ka dhalankaro waqti kadib, sida Dhiig karka, Wadno Xanuunka iyo Caloosha oo ay ku dhacaan  cuduro.

 

Hadii aad maqaalkaan ka heshay nagu soobiir oo rukumo Shabakadaan adigo Subscribe dhahaayo, siina share gareey, mahadsanid.

Caafimaad