Meeqo Saac ayaad Maalinkii Ku bixisaa isticmaalka Baraha Bulshada? Waa Su’aal muhiim ah una baahan in cidkasto ogaato inta saac ay ku bixiso isticmaalka baraha bulshada Maalinkasto.
Qarnigaan 21aad sidii uu u soo bilaawday waxaa soobaxay oo la jaanqaaday Baraha Bulshada, sida Facebook oo Muuqaal Qoraal iyo Sawiraba lasoodhigo, Twitter oo Qoraalo Gaagaaban lagu qoro, Youtub oo Muuqaalo lagu daabaco, Tiktok iyo Snapchat oo ayagana Muqaalo gaagaaban lasoo galiyo, WhatsApp oo fariimo la isugu diro, Instagram oo sawiro lasoo dhigo iyo kuwa kale oo fara badan.
Hadaba Cilmi baaris lasameeye ayaa waxaa lagu ogaaday in bulshada ku nool daafaha dunida ay aaad u isticmaalaan Baraha bulshada haba ugu sii badnaadaan dadka kunool Qaaradaha Afrika iyo Laatiin Ameerika.
Hadaba sidee ayay ugu kala badanyihiin qaaradaha caalamka isticmalka Baraha bulshada? waatan Jawaabta:
Laatiin Ameerika celcelis waxa uu qofka maalinkii isticmaalaa Baraha Bulshada 3 Saac iyo 29 Daqiiqo waa qaaradda ugu badan ee laga isticmaalo baraha bulshada.
Yurub waxaa Baraha bulshada uu qofkii isticmaalaa celcelis 1 Saac iyo 53 Daqiiqo.
Qaarada Aasiya dadka Kunool Celcelis waxa ay Baraha Bulshads isticmaalaan 2 Saac iyo 16 Daqiiqo.
Waqooyiga mareekanka Dadka kunool ayaa iyana isticmaala 2 Saac iyo 6 Daqiiqo celcelis ahaan.
Halka Qaaradda Afrika iy naqatay tan 2aad ee loogu isticmaalka badanyahay baraha bulshada marka laga sootaago Qaarada Kownfur Ameerika, Celcelis dadka ku nool Afrika ayaa isticmaalo Baraha Bulshada 3 Saac iyo 10 daqiiqo maalinkii.
Warbixin kale oo la daabacay 2019 kii ayaa sameyseey guud ahaan dadka ku nool dunida qofkastoo kamid ah inta daqiiqo ee uu isticmaalo baraha bulshada celcelis ahaan, waxa ayna u qorneyd warbixinta sidatan:
2012 Celcelis qofkii waxa uu isticmaalay baraha bulshada 90 Daqiiqo maalinkii
2016 qofkasto waxa uu baraha bulshadsa isticmaalaye 126 Daqiiqo maalinkiiba
Halka 2019 ay noqotay in qofsato uu siticmaalo baraha bulshada maalinkii 153 Daqiiqo.
(Xigasho: Statista)
Sida lasaadaalinayo sanadaha soosocda ayadoo laga tusaala qaadanayo koroka isticmaalka baraha bulshada sanadihii tagay iyo sidookale soo ifbaxa aaladaha cusub ee ku sookordhay baraha bulshada, waxaa la saadaalinayaa in qofkasto uu ku qarash garyn doono baraha bulshada celcelis ahaan 3 saac Maalinkii!
Warbixinta ayaa sidookale isbarbardhig ku sameyse wadamada aduunka iyo waqtiga ay kubixiyaan baraha bulshada waxaan kasoo qaadan doonaa ilaa dhowr wadan
Wadanka Filibiin dadka kunool waxa ay baraha bulshada ku qarash gareeyaan maalinkii 3 Saac iyo 50 Daqiiqo. wadanka Neegeeriya waa 3 Saac iyo 42 Daqiiqo,Hindiya waa 2 Saac iyo 36 daqiiqo, Mareekanka waa 2 Saac iyo 8 daqiiqo, Shiinaha waa 1 Saac iyo 57 Daqiiqo, Ingiriiska waa 1 saac iyo 41 Daqiiqo, jarmalka waa 1 Saac iyo 20 Daqiiqo, halak japan uu noqday dalka ay dadkiisu ku qarash gareeyaan maalinkii oo idil kaliya 46 Daqiiqo.
Adiga Akhtiste baraha bulshada oo idil meeqo Saac ayaad ku qarash gareysaa Maalinkasto?
nala wadaag qeybta hoose, sidookale sii Share gareey maqaalkaan.