6 Cunto oo Kaa Hor Istaagi karto Hurdada Habeenkii ah, hadii Aad Cunto Jiifka kahor!!

6 Cunto oo Kaa Hor Istaagi karto Hurdada Habeenkii ah, hadii Aad Cunto Jiifka kahor!!

Cilmi Baaris dhawaan la sameeye ayaa sheegeysa in Hurdada habeenkii ah sidi loo maleynaaye ay kasii fiicantahay kana faaiido badantahay, Cudurka hurdo la’aanta ah ee Insomnia dadka la daalaa dhaco ayaa Fahmi karo arinkaan, xitaa dadka sida caadiga ah u hurdo way ogyihiin in Hurdada habeenkii ah ay leedahay Faaiido aad u badan.

Ayadoo Hurdada habeenkii ah sidaas muhiim u tahay ayaa hadana waxaa jiro in ay jiraan Cunooyin kaa qasi karo in uu hurdo, Cunooyinka hoos ku xusan waxa ay Cilmi baarayaasha sheegayaan in aan la cunin xiliga uu qofku rabo in uu Jiif isu diyaariyo Habeenkii.

Cunooyinkaas waxaa kamid ah:

1) Kofeeyga (Coffee)

Qofkasto oo inaga mid ah wuu lasocdaa in uu Kofeygu saameyn kuleeyahy hurdo la’aanta habeenkii ah, waa macquul in aad soo aragtay Arday rabo in uu habeenkii oo idil wax akhriyo cabaayana Kofeeyga, Cabidda Kofeyga  xiliga Habeenki ah waxa u saameyn toos ah ku leeyahy soojeedka ama dhafarka sida ay Cilmi baarayaashu xuseen.

2) Spicy foods

Spicy Foods ama cunooyinka basbaaska leh waxa ay saameeyn togan ku yeeshaan hurdada habeenkii ah hadii uu qofku cuno wax yar ka hor xiliga Jiifka, Cunooyinkaan oo aashito badan leh ayaa hurdada ku yeesho saameyn la dareemi karo, Cunooyinka noocaan ah waxa ay dhibaati u geysan karaan xiliga dheefshiidka hadii uu qofka ladul tago Sariirta, in aad Cunto basbaas ama aashito badan leh cunto kadibna aad sariirta hjoray ka tagto waxa ay leedahay dhibaato.

3) Cured Meats

Cunidda Cured Meat ama Hilibka La daaweeye waa mid kamid ah cunooyinka sameynta ku yeesho in uu qofka hurdi waayo hadii uu cuno kadibna Sariirta horay ka tago, Cunooyinkaan waxaa kubadan aasiidka looyaqaano Tyramine kaas oo sababo in Maskaxdu soodeyso maado lagu magacaabo Norepinephrine taas oo sababi karto in uu qofku soojeedo.

4)Chocolate

Maalmahaan waxaa inta badan maqalnaa in Shukulaatada madoow ay faaiido badan leedahay fiicantahayna in lacuno, laakiin shukulaatadaas madow ayaa hadana saameyn togan ku leh hurdo la’aanta habeenkii ah hadii uu qofka cuno kahor inta uusan tagin sariirta.

Shukulaatada madow waxaa kubadan maadada Kofeyga taas ayaana kadhigi karta in uu qofku soojeedo hadii uu cuno kahor xiliga hurdada.

5) Aged Cheese

Farmaajada da’da ah ama mudada tiilay waxa ay saameyn ku leedahay hurdo la’aanta habeenkii ah hadii uu qofku cuno kahor xiliga jiifka, Cheese ka ama Farmaajooyinka qaar waxaa ku badan Maadada ama aashitada looyaqaano Tyramine taas oo sababi karto in uu qofku hadii uu cuno horay ka hurdi waayo.

6) Fried foods

Fried food ama Cuntada lashiilay waxa ay saameyn toos ah ku leedahay in uu qofkii cuno uu hurdi waayo hadii uu Sariirta tago, Baradhada iyo Basasha la shiilay waa kuwa ugu daran ee kamidka ah cunooyinka lashiilay, Cilmi baaarayaasha waxa ay ku talinayaan in uu qofka uusan cunin cunooyinkaan kahor xiliga jiifka ah.

Hadii aad maqaalka kaheshay, lawadaag asxaabtaada si ay uga faaiideystaan sidookale iska diiwaangali Shavbakadda Daraasad si aad u hesho xogo ama warbixino muhiim ah.

Caafimaad